Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho
Hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay kadib markii culimadii joogay Masjid ku yaalla deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedkaMuqdisho ay diideen in salaada Janaasada ay ku tukadaan mayd la Keenay Masjidka. Sheekh Nuur Cali Jaamac oo kamid ah culimada masjidkaas oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka hadlay sababta loogu tukan waayay marxuumka ee dib looga celiyay masaajidka. Waxaa uu sheegay in Maasidka oo ah mid weyn maalin walba la keeno meyd, isla markaana ay aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad wada islaam ah, sidaas daraadeedna aysan iyagu dadka weydiin in qofka la keenay uu yahay islaam ama gaal, waa sida uu hadalka sheekhu u dhigay. "Dhammaan dadka Soomaaliyeed asalkooda waa dad Muslimiin ah, qofkii isaga ka baxay Islaamka isaga ayay u taallaa” ayuu yiri Sheekh Nuur Cali Jaamac. Sheekh Nuur Cali Jaamac oo ka mid ah culimada Masjidka Waalidayn ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii wax ka waday marxuumka ay sheegeen in 'uus...