SHAN Ciyaartoy Oo Arsenal Ah Oo Loo Diiday Xiddigii Garoonka, Laacibkii La Caleemo-saaray Iyo Qiimaynta Kulankii Fulham vs Arsenal


Arsenal ayaa saddex dhibcood iyo saddex gool oo nadiif ah kasoo heshay Craven Cottge oo ay marti ugu ahayd Fulham oo ay ka wada dhisan yihiin magaalada London, waxaanay sidaas kaga baxsadeen Manchester City oo kusoo dhowaatay Sabtidii.

Kooxda tababare Mikel Arteta waxay hoggaankeeda kusoo celisay shan dhibcood oo nadiif ah, iyadoo aan laga aqbalin ducadoodii shalay ee ahayd in loo qabto Manchester City oo gool madi ah oo rikoodhe ahaa kaga adkaatay Crystal Palace.

Saddex gool oo qaybtii hore ay kala dhaliyeen Gabriel Magalhes, Gabriel Martinelli iyo Martin Odegaard ayaa Arsenal siiyey guushan weyn, iyadoo uu sidoo kale wacdaro dhigay laacibka reer Belgium ee Leandro Trossard oo saddexlay goolal ah dhaliyey.

Jamaahiirta Arsenay waxay heleen farxad dheeraad ah dhamaadkii ciyaarta markii uu soo istaagay Gabriel Jesus oo uu beddel kusoo galay kaddib saddex bilood iyo dheeraad uu u jiifay dhaawac jilibka ah oo kasoo gaadhay Koobkii Adduunka.

Shantii ciyaartoy ee Arsenal ee loo diiday xiddiga garoonka

Shan ciyaartoy oo Arsenal ah oo uu hunguri kaga jiray in la siiyo xiddiga garoonka ayaa loo diiday, waxaan la caleemo saaray ciyaartoy kale oo rikoodh cajiib ah sameeyey.

Goolhaye Aaron Ramsdale oo bandhig heersare ah sameeyey, labada difaac ee la halgamay weerarka Fulham ee Sliba iyo Gabriel oo uu waliba midka dambe gool raacsaday, Thomas Partey oo khadka dhexe kala xidhay iyo Martin Odegaard oo shabaqa soo taabtay ayaa dhamaantood loo diiday xiddiga garoonka.

Waxa kale oo isaguna aan xiddignimada helin Gabriel Martienelli oo gool dhaliyey, mid kale oo ay VAR masaxdayna ku furay ciyaarta.

Waxa la caleemo-saaray oo xiddignimada garoonka la siiyey xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard oo saddexda gool ee ay kooxdiisu dhalisayba caawiyey.

Laacibkan oo ay Gunners kala soo wareegtay Brighton & Hove Albion bishii January ayaa muujiyey inuu u qalmayey lacagtii ay Arsenal kasoo bixisay.

Ka sokow saddexda caawimood, waxa uu nasiibku u diiday isku-dayo uu sameeyey oo uu goolal ku dhalin lahaa, isaga oo dhawr jeer u dhowaaday inuu shabaqa soo taabto.

Qiimaynta guud ee ciyaartoyda Arsenal iyo Fulham

Fulham: Leno (6), Tete (6), Tosin (5), Ream (5), Robinson (5), Reed (6), Lukic (6), Pereira (6), Decordova-Reid (6), Solomon (6), Mitrovic (6).

Beddelka: James (6), Wilson (6).

Arsenal: Ramsdale (8), White (7), Saliba (8), Gabriel (8), Zinchenko (7), Partey (8), Xhaka (7), Odegaard (8), Saka (7), Martinelli (8), Trossard (9).

Beddelka: Nelson (7), Tierney (7), Jesus (7), Vieira (7), Tomiyasu (6).

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Ninka ugu taajirsan dunida muxuu ka yiri hadalladii muranka dhaliyey ee Ilhaan Cumar?