Erik ten Hag ayaa ku weeraray ciyaartoydiisa qaab ciyaareed aan la aqbali karin iyo xirfad xumo kulankii xasuuqa uu ka soo gaaray Liverpool oo aheyd mid barbareysay rikoodhka guuldaradoodii ugu xumeyd abid. Waana guuldaradoodii ugu xumeyd abid ee horyaalka Premier League. Liverpool ayaa cagta la dulmartay Man United qeybtii labaad ee ciyaartii Anfield, iyagoo hogaan 1-0 oo qeybtii hore aheyd u bedelay 7-0 iyadoo Cody Gakpo, Darwin Nunez iyo Mohamed Salah ay min labo gool dhaliyeen. United ayaa kulankaan ciyaareysay iyagoo ku soo guuleystay koobkoodii ugu horeysay tan iyo 2017kii, laakiin waxaa farxadooda uga ciyaartay Liverpool oo xasuuq aysan ilaawi doonin dhabarka u saariay. Ten Hag ayaa qirtay inuu aad uga careysan yahay guuldarada taasoo keentay inay 14 dhibcood ka dib maraan kooxda horyaalka hogaamineysa ee Arsenal laakiin wuxuu kooxdiisa ku taageeray in kooxdiisa ay ka soo kabsan doonto xasuuqaan si la mid ah sidii ay uga soo kabsadeen xasuuqyadii Manchester City iyo Brentf...
Comments