Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?

 


Erik ten Hag ayaa ku weeraray ciyaartoydiisa qaab ciyaareed aan la aqbali karin iyo xirfad xumo kulankii xasuuqa uu ka soo gaaray Liverpool oo aheyd mid barbareysay rikoodhka guuldaradoodii ugu xumeyd abid. Waana guuldaradoodii ugu xumeyd abid ee horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa cagta la dulmartay Man United qeybtii labaad ee ciyaartii Anfield, iyagoo hogaan 1-0 oo qeybtii hore aheyd u bedelay 7-0 iyadoo Cody Gakpo, Darwin Nunez iyo Mohamed Salah ay min labo gool dhaliyeen.

United ayaa kulankaan ciyaareysay iyagoo ku soo guuleystay koobkoodii ugu horeysay tan iyo 2017kii, laakiin waxaa farxadooda uga ciyaartay Liverpool oo xasuuq aysan ilaawi doonin dhabarka u saariay.

Ten Hag ayaa qirtay inuu aad uga careysan yahay guuldarada taasoo keentay inay 14 dhibcood ka dib maraan kooxda horyaalka hogaamineysa ee Arsenal laakiin wuxuu kooxdiisa ku taageeray in kooxdiisa ay ka soo kabsan doonto xasuuqaan si la mid ah sidii ay uga soo kabsadeen xasuuqyadii Manchester City iyo Brentford ee horaantii xilli ciyaareedkan.

“Waxaan aaminsanahay inaan si fiican u dheelnay qeybtii hore. Hal qalad oo aan sameynay qeybtii hore ayuu gool inooga dhashay. Qeybtii labaad wixii ciyaaray inaga ma aheyn. Ma aheyn heerkeenii. Uma aanan ciyaarin si koox ahaan ah. Waxay aheyd xirfad xumo. Dabcan aad ayaan u careysanahay” ayuu Ten Hag u sheegay BBC Sport.

“La yaab ayay igu tahay sababtoo ah isbuucyadii ugu danbeysay iyo bilihii ugu danbeeyay kooxdaan waxay aheyd mid adag oo leh dabci guul. Qeybtii labaad ma laheyn dabci guul. Qorshihii ciyaareed ee aan dejiyay lama hirgelinin, mana aanan sameynin shaqadeena.

“Marka aan kubada dhumino ma raacaneynin, waxay aheyd xirfad xumo xaqiiqdii. Hore ayaan u soo aragnay inaan soo kabsan karno, waxaan ka soo kabsanay guuldarooyinkii Brentford iyo Manchester City. Dabcan tani waa dib u dhac aad u weyn, lamana aqbali karo. Aad ayaan u niyadjabsanahay, waana ka careysnahay guuldarada.”

Comments

Popular posts from this blog

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter