DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ QAYBTA 3AAD
DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ QAYBTA 3AAD
DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ QAYBTA
3AAD
3AAD
Liibaan waxaa u caddaatay in Ladan ay danaynayso isaga oo ay
jeceshahay, inkastoo weligiis uusan soo marin Jacayl haddana aqoon dhinaca maqalka ah ayuu
ka heystay oo dhalinyaro badan oo Rag iyo Dumar ah oo jacaylka shirko ku noqday ayuu soo arkay
halka kuwana ay ku khasaareen kuwana ka guul gaareen oo nolol
mustaqbal leh wadaageen ubadna ku hanteen, laakiin isaga
uma uusan soo jeedin jacayl kumana uusan deg-degeynin xaaladda nololeed ee uu ku suganaa awgeed, waayo waxa uu ahaa Nin ka aradan macaanida Adduunyada, oo xitaa
dacaska uu wato fiilo feero ayuu qeyb hoose oo ka go’day kaga dahaaray, shaarka Iskuulka uu ku
dhigto wuxuu ahaa Bafto
caddaad dhammaad xigeen ah,
Surwaalka kaakiga ahina
Huudheyda ayuu ka soo
beecsaday oo wax uu isaga baddalana ma uusan heysan,
isaga ayuu iskuulka ku
dhiganayay magaalo ku joogna u ahaa, inkastoo shaarka Baftada ah ay u wehlisay Funaanad duug
xigeen ah oo mar walba uu xiran jiray isagoo aan heysan wax kale oo uu isaga badelo.

Gelinka hore Liibaan Iskuulka ayuu dhigan jiray, gelinka dambana Adeerkiis ayuu saacidi jiray oo Qabri-qodista ka
kaalmeyn jiray, halkaas ayuuna dhaadhiciisa ka heli jiray oo marka Buug ka buuxsamo ama qalin ka dhammaado ka gadan
jiray, noloshaas ciriiriga ah ayuuna ku sugnaa oo xitaa qarash uu dacas kaga gato kama uusan heli jirin.

Liibaan isagoo xaaladdaas ku guda jira ayay Ladan jacayl ula timid oo Buuggiisa xisaabta inta
maalin ka qaadday Warqad bashqadaysan u soo dhex gelisay, una soo raacisay sidii caadadeedu ahayd kuus lacag ah.

Markii iskuulka laga soo rawaxay ayay Ladan guddoonsiisay Liibaan buuggii oo uusan ku ogeyn wax Warqad ah, laakiin markii uu gurigiisii yimid oo Buuggii Miiskiisii yaraa saaray ayay warqaddii ka soo dhacday,
markiiba inta dafay ayuu galka hore ee bashqadda ereyo ku qornaa ka akhriyay magaciisa iyo
magaca soo diraha, kadibna wuu daliiqay si uu u ogaado nuxurka
ku dhex jira, wuxuuna ka
akhriyay ereyadan:-

—Ku:- Liibaan Aadan
“Aboowe, marka hore iga
guddoon salaamaha la isu diro midda ugu qaalisan, san- kuneeflaha oo idil, inta Rag Dunida suran, ayaan kaa sahansadoo, kaa soo xushaye, si kastoo xaaladdaadu tahay, iyo sida aad ku sugan tahay, yaan kugu doortoo, kugu rabaa
saafiyow, ee saacaddaan la joogo, sax u ogow inaan kujeclahay, saani ii qaabiloo,
shakiga ka siko idilkiis, anna saafi daacad ahoo, adiga ku sugeysaan ahaye….. taa la soco boowe, Jawaab saafi ahna, waan kaa sugayaaye, si xun wax u
sheeg, iyo kuwa silciya Jacaylka,
sifa-xun ku sheega, ka siko oo ka fogoow, qalbiga yeyna kaa sirin,
jacaylkeenana silcinin

Email: Dareen.iyo.cabin.caashaq@gmail.comDHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ QAYBTA 3AAD
Comments