DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ QAYBTA 2AAD

DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ QAYBTA 2AAD


Qorshaheedu ma ahayn buug iyo casharro loo naqtiimiyee bilow daandaansi shukaansi ayuu qorshaheedu ahaa, isaguna ma uusan fahmine marka ay Buug weydiisataba wuu siiyaa, iyaduna marka ay Buug ka qaadataba waxoogaa lacag ah inta u soo dhex geliso ayay dib ugu soo celisaa.
Layaab waxaa ku noqday Liibaan lacagta ay mar waliba Ladan buuggaagtiisa soo dhex dhigeyso, wuxuu is tusay inay qorshe shirqool tahay lacagtaa, markaasuu go’aansaday inuu meel iska dhigo oo uusan isticmaalin baahi kasta oo uu u qabo, marka ay arrimaha lacagtana wax ka weydiisana uu faraqa ugu shubo, isaguna ma uusan su’aalaynin sababta ay lacagtaa ugu soo gelinaysay Buuggaagtiisa.
Inkastoo Ladan wiilal kale oo Maalqabeeno iyada la eyni ah ay dhufeys Caashaq ugu jireen haddana uma aysan jeedin kuwaas oo waxa kaliya oo u muuqday waxa uu ahaa Liiban oo jacayl xad dhaaf ah ay u heysay, waxayna dadaal dheeri ah u gashay
sidii ay jacaylkiisa uga jibbo keeni lahayd oo ay u hannan lahayd.
Ladan waxay latashi jacayl la samaysay Gabar ay saaxiibo Naf qeybsi ah ahaayeen, isku fasalna wada dhiganayeen, gabadhaasoo lagu magacaabayay Nasro Sheekh Yoonis.
Laakiin Nasro markii saaxiibteed ay u sheegtay in ay jeceshahay Liibaan, welibana ay soo loodin la’dahay ayay naxdin la suuxi gaartay oo filanwaa la noqotay “Ma adigoo Ladan Jaamac ah oo reer barwaaqeysan ka soo jeeda ayaa Liibaanka aabihiis Qabri qodaha yahay ee Boobareetiga ah jeclaatay..!! Waa la hoogay, naa hoy is duug oo Qabriga ii qod isaga laftiisa ku dheh isagaaba Qabriyada u qoda dadka geeriyooda’e”.
3aad
Meeshii ay talo jacayl oo ay ku qanacdo ka sugeysay Saaxiibbteedii ay ku kalsoonayd hadallo aan u qaadmin ayay jawaab uga dhigtay, markaasay inta ku xanaaqday fadhigii kaga sara kacday oo xiriirkii Saaxiibtinimo isla daqiiqaddiiba ka goosatay, sidaasna ku kala haajireen, waxayna Ladan is tustay in iyadoo aan cidna la tashan ay Liibaan jacaylkiisa ku mintido, hadba wixii ay kala kulantaba.
Ladan waxay bilowday in marka xilliga Break Time-ka loo baxo in ay Liibaan ka dalbato in uu Casharada la qaatay dib ugu naqtiimiyo, markii uu taas ka ogolaaday ayay haddana sidoo kale ka dalbatay in shaaha iyo quraacda ay u doontaan Baarka iskuulka ku yaala ee Ardaydu ay wax ka cunaan, iyadoo ka bixin jirtay qarashaadka, Baarkaasoo Liibaan uusan weligiis tan iyo sidii uu Iskuulka ugu soo biiray u soo ag istaagin shiidnimo awgeed, balse Ladan ayaa ku qasabtay codsiyo dhowr ah oo ay u gudbisay kadibna uu ka yeelay.
Sidoo kale Ladan waxay Liibaan ka codsatay in Gaariga lagu soo doono xilliga rawaxaadda ay Liibaan horey ugu sii kaxayso laakiin taas waa uu ka diiday oo u sheegay in uu ka jecel yahay Lugtiisa oo uu maalo si uusan kibirka iyo isla weynida u baran iyo isagoo diiddanaa in Gabar ka darajo sareysa uu Baabuurkeeda raaco, waase lakala war la’ yahay.
Liibaan oo ahaa Arday cuqdad ka qabay dhalinyarada ay isku iskuulka yihiin oo uusan hadal la qeybsan weligiis ayaa waxa uu iska ilaalinayay mar walba inuu Ladan qorshaha ay wadato u soo dabco waayo shaki ayuu ka qabay xiriir la wadaageeda oo wuu iska ilaalinayay, waayo wuxuu horey ula socday dhacdo ku dhacday Wiil isagu ay isku eyni yihiin oo jacayl la wadaagay gabar reer ladan ka dhalatay, reerkeeduna dhinaca dowladda lug ku lahaa oo Jacaylkaas uu Wiilkii baas iyo hoog ka raacay, isagana sidaas oo kale ayuu uga cabsi qabay in laga raaco jacayl la wadaaga Ladan.

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?