DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ QAYBTA 6AAD


DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ
Qaybta 6aad
Waris markii ay dhuuxday qorshihii gabadheeda waxa ay
latashi ugu tagtay Seygeeda Jaamac oo ay u sheegtay in Gaabadhooda aysan waxna faro ku heynin, waxayna kuwada
hadleen ereyadan:-
Waris:- Walaal Jaamacow
Gabadheena Ladan arrin aan la maqal lana arag weli ayay inoo waddaa, ka waran wiilka ay jeceshahay oo ay dartiis la xanuunsan tahay in uusanba u ogeyn jacaylka.
Jaamac:- Yaah, taas wax dhici karo ma ahee !!.
Waris:- Ma dhici kartee, ka xaaxaabi hee….
Jaamac:- Waa tahaye, hadduu xaal sidaa yahay maxaan samaynaa…?
Waris:- Wallaahi artaadoo xumaataa filig-filig kaagama harto, kolay waa arrin annaga nagu soo noqonaysa oo na hoos taala, Cidda ay wax ka xannuunsan yihiin oo ay dhibaysana waa annaga marka adigaa odayga reerka ahe talo
keen.
Jaamac:- Walaalay Gabar waa Hooyadeed baa la yiraahdaaye adigalee soo dhammee arrintan.
Markii Waris arrinta lagu soo fooriyey waxay go’aansatay in ay ka shaqeyso sidii ay Gabadheeda iyo wiilka ay jeceshahay isugu keeni laheyd, kadib markii ay
Gabadhoodu bogsatana ay jalaafo u dhigi lahaayeen wiilka iyadoo aysan labadooduba dareemin jalaafadaas.
Waris markii Gabadheeda Ladan ay soo yara bogsatay ayay ugu baaqday in wiilka ay jeceshahay ee ay dartiis u xannuunsatay ay u keento oo maalin martiqaad qado sharaf ah loo samaynayo iyagana ay la hadlayaan, Ladan
arrintaas aad ayay ugu faraxday oo u soo dhaweysay waxayna u
aragtay in yoolkii Caashaq ee ay higsanaysay uu hadda faraheeda soo galay, iyadoo sidoo kale u
fasiratay in waalidkeed ay la duuban yihiin oo ay la jecel yihiin in ay jacaylkeeda hanato.
Ladan iyadoo Todobaad iyo maalin ka maqnayd Iskuulka ayaa Maalintii 9-aad aadday iskuulkii,
inay xannuunsan tahay horaa looga warbixiyee waxaa lagu qaabilay oo lagu soo dhaweeyey
hadalo naxariis leh “Maka soo bogsatay xannuunkii ku hayay, hadda xaaladdaada ka waran,
sidee tahay ” iyo hadalo kale oo debacsan ayay dhammaan Macalimiinteeda, Maamulkii Dugsiga iyo ardaydii asxaabteeda
ahaa weydiiyeen, iyana inay bed qabto oo haatan ay xaaladdeeda okey tahay ayay u sheegtay.
Waxbarashadii ayay Ladan dib u bilowday, casharadiina la qabsatay Liibaan oo dhinaca waxbarashada iyada kaga
horreeyey ayayna ka codsatay in Casharadii dhaafay uu u naqtiimiyo, isagana soo laabashadeeda iyo aragtideeda ayuu ka naxsanaaye way ku adkayd inuu codsigaa u fuliyo oo wuxuu is lahaa jacaylka ay la wareegeyso ayay qeyb kaaga rogeysaa oo waxay fursad u helaysaa inay warqaddii jawaabteeda ku weydiiso.
Sidii uu malaysanayay ayaa dhacday oo markii Break Time-kii loo soo baxay ayay meel gaar ah
ula baxday oo weydiisay sababta uu u soo booqan waayay iyo jawaabta uu kala soo habsaamay, isaguna wuu ka meermeeriyey oo hadalo
gunuunac ah isku dhaafiyey, waxayse u sheegtay kana dhaadhicisay qorshihii ay ku soo wada hadleen iyada iyo Waalidkeed ee ku saabsanaa jacaylkeeda, inkastoo uu in cabaar ah ka maagey oo ay ku
adkeyd haddana si dabacsanaan ah ayuu kaga yeelay oo wuxuu is
yiri “bal eeg wixii ka soo baxa, wuxuuna ogolaaday inuu Gurigooda maalin qado ah ku yeesho, taasoo faraxad iyo reyn-reyn ay ka qaadday Ladan iyadoo
ay ula mid ahayd qof Addunyada isagoo jooga loogu bishaareeyay janno.
Lasoco qeybaha kale soosocda

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?