DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ QAYBTA 7AAD
https://www.buugajaceylka.blogspot.com
DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ
Qaybta 7aad
Markii ay soo dhawaatay maalintii la ballamay ee Liibaan qado sharafta loogu samaynayay Guriga Reer Ow-Jaamac ayaa waxaa sii tashaday Waris iyo Seygeeda Jaamac oo ka falanqooday sidii ay wiilkaa ay gabadhooda jeclaatay ka yeeli lahaayeen xaalkiisa.
“Marka hore aan ku shukaamino inuu Gabadheena jacayl wadaag la noqdo, marka ay ku najaxdo jacaylka oo ay ku miyirsato kadib aan farsamo kale oo aan ku kala geyneyno adeegsano” ayuu la soo booday Oday Jaamac oo mar kasta diidanaa in Gabadhiisa Mustaqbal wadaag la noqoto Wiilkaa faqriga ah oo ceeb iyo sumcad xumo ay u soo hoyato.
“Waa sax balse qorshaha koowaad aan marka hore fulinno oo wiilka aan debecsanaan u muujino, oo isaga qudhiisa marka uu ogaado in aan jacayl u wada qabno oo Gabadha iyo waalidkeed wada danaynayaan uu isa soo daadiyo, kadibna qorshihii aan u degno ka sameysano” ayay tiri Waris.
Ladan Hooyadeed iyo aabaheed waxay ka shaqeeyeen sidii ay maalin Guriga u keeni lahaayeen Liibaan oo ay ugala hadli lahaayeen arrimaha jacayl ee Gabadhooda ay u heyso isaga, waxayna muddada qaabilaadda ka dhigteen maalin Khamiis oo ay ku wargeliyeen Gabadhooda Ladan inay Maalintaas Liibaan Guriga keentay.
Markii la gaaray maalintii ballanta Ladanna ay Liibaan ku wargelisay in ay rabto inay waalidkeed iyo isaga is barto oo sidaas ay soo dalbadeen iyaga ayuu inta geesinimo iska baaray ka ogolaaday, wuxuuna maalintaas dhar Tabal-caaro ah ka soo qaatay wiil ay saaxiibo ahaayeen oo marmarka uu meelaha muhiimka ah aadayo dharka lebiska ah uu ka soo qaadan jiray, maalintaasna isagoo shaki iyo walaac nafsadeed qaba ayuu iska xaadiriyey gurigii Ladan oo loogu sameeyay qado sharaf la mid ah midda loo sameeyo Dadka sharafta iyo qadarinta gaarka ah loo hayo, raashiin noocnooc ah oo uusan weligiis cunin oo ay xitaa ku jireen qaar uusan noloshiisa dhaayo saarin ayaa miiska qadada loo soo saaray, isagana inta karaankiisa ah si fiican ayuu u cunay raashiinkii la soo hor qotomiyey oo mid waliba waxoogaa ayuu ka dhadhamiyey si uu wax uga ogaado.
Markii qadadii uu dhamaystay ayaa Liibaan waxaa loo diyaariyey qubeys, wuxuu la yaabay sida loo soo dhaweeyay oo loo koolkoolinayo weji furnaan ayuu reerkii Ladan ka dareemay, sida uu filanayay iyo fiigsanaantii ku jirtay way ka ba’day, wuxuuna la dhacay qaabka xushmadda iyo qaddarinta leh ee loo soo dhaweeyay.
Markii casirkii la gaaray oo uu waxoogaa nastay ayaa waxaa qolkii fadhiga oo ay kula jirtay Ladan ugu soo galay Odaygii iyo Marwadiisii Waris oo iyagu qorshe gaar ah soo degay, si diiran ayayna u salaameen, kadibna qorshihii ay ugu socdeen u daah fureen, waxaana hadalkii furay Ladan aabaheed Jaamac oo ku yiri “Liibaan wiilkeygiyow i dhagayso, gabadhan Ladan ah ayaan Ubad oo dhan
ka dhalnay (Waa ILAAH mahaddii) iyada ayaa inoo wiil iyo gabar ah, sida ukuntii oo kale ayaan u dhowrnaa, ciddi yar oo xumaan ah inay gaarto uma ogolin, dunidan inay ku ciishootana ma jeclin, wixii qaddar Rabbaani ahna waa iska gaarkeed, laakiin inta karaankeena ah waan ku dadaalnaa, marka sida aad adiguba ogtahay jaceyl ayay adiga kuu qaadday oo weliba la xannuunsatay, maalmana Iskuulka uga maqnayd, marka wiilkeygiyow waxaan kuugu yeernay in Gabadheena aad jacaylka ay kuu qabto la qeybsato anagana aan kugu dhaqaalayno oo wiilkeena oo kale aad noqoto, haddii calaf aad isku yeelataana aan anaga oo waalidkeed ah ka faalo qaadno nolosha mustaqbalkiina.”
Inta uusan Liibaan jawaabin ayay Ladan Hooyadeed hadalkii qaadatay oo iyana odaygeeda jidkii uu qaaday mid la mid ah qaadday, Ladan ayaa iyadoo ku faraxsan talo soo jeedintaas inta sare kacday Aabaheed iyo Hooyadeed shumis ku qarqisay….Liibaana inta uu sara kacay ayuu salaan cajiib ah u wadaajiyey Ladan, Hooyadeed iyo Aabaheed, wuxuuna u sheegay inay la mid yihiin Waalidkiis oo kale oo warka ay soo jeediyeen uu ku qanacsan yahay isla markaana uu ka ajiibay wuxuuna ku yiri “Run ahaantii waan ogaa in Ladan I jeceshahay, laakiin waxaan is lahaa isku leebal ma tihiin oo adigan faqiirka ah ma geysid, fikirkaas daciifka ah ayaa ugu jiray oo sidaas ayaan ugu gaabsanayay laakiin shakiga arrintaas ku saabsanaa hadda wuu iga baxay waxaana arkay wanaaggiina, hadda iyo wixii ka dambeeyana aniga iyo Ladan waad isku kaaya og tihiin.
Hooyadii Waris ahayd ayaa hadalkii la soo boodday oo tiri “Liibaan sidaa ha u fakarin, Jacaylku waa shey cajiib ah oo ma yaqaano faqiir, taajir, foolxumo,
qurux, qabyaalad iyo xigto. Gabar reer boqor ka dhalatay ayuu bari karaa mid tuugsada, wiil reer Taajir ah ka soo jeedana wuxuu bari karaa gabar booyaaso ah, sidaasina inta badan way dhacdaa, marka sidaa ha u fakarin, anaga reer magaal ah ayaanu nahay, casriga ayaan la saanqaadnaa, jacaylkana waanu qiimeynaynaa, aniga iyo Jaamacba jacayl aan dhibaato badan ka soo marnay baan isku soo guursanay, marka taa haka baqin, weliba anaga ayaa Ladan kugu garab siineyna sida aabaheed Jaamacba uu ku yiri.
Liibaan xaaddiisa ayaa mid mid u istaagtay farxad darteed ayuu is heyn kari waayay sidii haadda Samada duusha oo kale ayuu cirka lali gaaray, maalintaasna ugama duwanayn isagoo loo ballanqaaday waxa uu dunida ugu jecel yahay.
Cabaar yar ayaa lakala aamusay oo indhaha la isku goday, daqiiqado kadibna Oday jaamac iyo Xaaskiisa Weris inta ay baaq iljebin ah dhag isu siiyeen oo hoos ka dhoola-caddeeyeen ayay si wadajir ah u sara kaceen, qolkiina u faaruqiyeen Ladan iyo Liibaan si ay sheekada Jacayl ee ugubka ku ah u sii miistaan, waxayna si dardaaran ah Liibaan iyo Ladan ugu yiraahdeen “Waa idinkaas…haddee waa idin adinka sii ballama oo arrin meel isla dhiga anaga waan idiin firaaqeynay”.
Ladan iyo Liibaan markii loo firaaqeeyay qolka ma jirin mid midka kale la hadla oo xishood ayuu mid waliba la hagoogtay, qaasatan Ladan xishood Caashaq ayaa soo hujuumay oo maba aha gabadhii Jacaylku ku kowsaday ee dhiiranaan jirtay markay Liibaan sheedda ka aragto.
= Markii ay cabaar kala aamusnaayeen oo midba uu kan kale hadalka inuu bilaabo ka sugayo ayaa Liibaan afkii kala qaaday oo yiri “Ladan abaayo run ahaantii Jacaylka aad sheeganaysay inaad ii qaadday waan ka fiigsanaa, dheel-dheel iyo inaad igu cayaarayso ayaan u malaynayay, mana is dhahaynin Ladan ayaa adigoo noocaan ah ku jeclaanaysa, laakiin hadda waan yaqiinsaday, waana ku qanacsanahay oo aniguba daqiiqadihii aabahaa iyo hooyadaa ila hadlayeen adiguna aad baalka iga fadhisay ayuu i saaqay, Walaalay weligey Jacayl ma abuurin kan ayaana ah kii ugu horreeyay ee i soo mara….Run ahaantii inkastoo aan hadda yaqiinsanahay jiritaanka jacaylka, haddana markii hore jacaylka fikrad xun ayaan ka aaminsanaa oo waxaanba u heystay in uu yahay cayaar-cayaar iyo cillad la iska sheegto oo dadka baagamuuddada iyo kuwa dheregta ka badatay ay isaga faaja-faajoodaan”.
Ladan oo ku qoslaysa isla markaana la yaaban sida wiilku uga dhoohan yahay jacaylka & fikradda qaladka ah ee uu ka aaminsanaa ayaa waxay ku tiri “Liibaanow Aboowe intaas ayaad magaalo joogtay, qof aqoonyahan ah oo waxbarashda ilaa Dugsi sare ka gaaray ayaad tahay, sow ma arag wiil iyo gabar jacayl jilaya ama sow ma maqal lamaanayaal jacayl isku guursaday oo Ubad jacayl ku dhashay isu dhalay, ama ma akhrisan miyaa Buuggaagta sheekooyinka jacaylka ka qisooda, Idaacadahana kalama aadanad socon jirin miyaa sheekooyinka xiisaha badan ee jacaylka ka tarjumaya?..”
Liibaan oo is xariifinaya ayaa isagoo kuleetiga giijisanaya ku jawaabay “Waan maqli jiray waxaas oo dhan laakiin sidaan kuu sheegay cayaar-cayaar iyo wax lagu faaja-faajoodo oo sida xanjada dheragta la isaga bi’iyo oo kale ah ayaanba u heystay ereyga jacayl ee mid qalbiyada dadka gala oo Daaro Caashaq ka samaysta uma malayn jirin, laakiin hadda ayay i heysataa wax kasta oo aan ka aaminsanaaba”.
In cabbaar ah markii sheekadaa ku saabsan faaqidaada jacaylka ay wadaageen ayuu Liibaan goorsheegto darbiga qolka ku dheganayd oo hortiisa ka muuqatay eegay markaasuu qalbiga ka yiri “Waa maqribkii oo 10-daqiiqo dhiman, Salaad casirna ma Tukan” Markiiba waxa uu u holaday inuu istaago oo baxo, kolkaasaa isagoo sii hinqanaya Ladan ku yiri “Abaayo waan baxayaa waa maqrib mar kale ayaan is arkaynaa ee hadda jaaw” Ladan oo la joogistiisa sii rabta ayaa ku tiri “Aboowe hadda ha iga tagin hadhow kale ayaad baxaysaa Gaarigeena ayaa gurigaada lagugu geynayaaye” markii ay intaas tiri iyadoo ka filaysa in uu ka yeelo ayuu ka diiday oo ku yiri “kulankan waa kii koowaad, waqti kale ayaa ka badan, gaarina ma raacayo ee waxba ha is dhibin xaafaddu way dhowdahay oo lug ayaan ku tegayaa ee abaayo jaaw” markii ay aragtay inuusan joogaynin ayay ka ogolaatay oo inta soo sagootisay gurgiisii Aaday.
Laakiin markii uu Liibaan Gurigiisii tagay ayaa caloosha laga qabtay oo xannuun calool majiir ah uu ku dhacay, raashiinkii kala duwanaa ee uu guriga Ladan ka soo cunay ayaana caloosha ka walaaqay, ilbiriqsi kadibna musqul ku carar ayuu bilaabay oo daqiiqado gudahood ayuu dhowr jeer Suuligii isaga daba laabtay, saacad gudaheed ayuuna ku milmay oo ku fuuq baxay.
Ayeeyadiis oo aad u jeclayd, isla markaana soo korsatay ayaa ka naxday cudurka soo boodka ah ee wiilkeeda ku dhacay, Waalid waa iska beer jilicsan tehee hadallo aan turxaan baxsanayn ayaa afkeeda ka soo baxayay “Maxaa kugu dhacay Ayeeyo, maxaad soo cuntay, yaa wax ku soo siiyay, malaha waa la soo sixray, maantalee ayuu meel aadee ma arrin loogu talo galay baa lagu soo sameeyay, ma nolosha ayay u quuri la’yihiin? Aabihiis ayaa dhawaan dhintee isagana ma nolosha ayay u diidan yihiin? intee layga heystaa, ma Saddaqadii iyo Bunkii aan jimcayaashan bixin waayay darteed ayaa laygu heystaa dhaqaalo la’aan awgeed, ILAAHOW i baxso maanta oo ii badbaadi wiilkeyga” ayayna iskula hadashay Duqdii Liibaan ayeeyada u ahayd ee iyadu soo korsatay.
Hadaladaa iyo hadallo kale oo ka sii badan oo intii afkeeda soo qaban karay ahayayna isaga hadaaqeysay Liibaan Ayeeyadiis, layaabse malaha islaan duqowday oo wiilkii ay Dunida ka dugsanaysay uu xanuun ku soo bood ah ku dhacay wixii afkeeda soo qabto ayay isaga kalaamaysaa, walow inay Ilaah ku shukriso oo Rabbi u tuugto hadalladaas matalaalaca ah ay uga kheyr roonaayeen haddana haweenka badankood arrimo filanwaa marka uu ku yimaado halqabsiyo aan wanaagsanayn ayay isaga hadlaan.

Lasoco qeybaha kale ee soosocda
Comments