Popular posts from this blog
Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?
Erik ten Hag ayaa ku weeraray ciyaartoydiisa qaab ciyaareed aan la aqbali karin iyo xirfad xumo kulankii xasuuqa uu ka soo gaaray Liverpool oo aheyd mid barbareysay rikoodhka guuldaradoodii ugu xumeyd abid. Waana guuldaradoodii ugu xumeyd abid ee horyaalka Premier League. Liverpool ayaa cagta la dulmartay Man United qeybtii labaad ee ciyaartii Anfield, iyagoo hogaan 1-0 oo qeybtii hore aheyd u bedelay 7-0 iyadoo Cody Gakpo, Darwin Nunez iyo Mohamed Salah ay min labo gool dhaliyeen. United ayaa kulankaan ciyaareysay iyagoo ku soo guuleystay koobkoodii ugu horeysay tan iyo 2017kii, laakiin waxaa farxadooda uga ciyaartay Liverpool oo xasuuq aysan ilaawi doonin dhabarka u saariay. Ten Hag ayaa qirtay inuu aad uga careysan yahay guuldarada taasoo keentay inay 14 dhibcood ka dib maraan kooxda horyaalka hogaamineysa ee Arsenal laakiin wuxuu kooxdiisa ku taageeray in kooxdiisa ay ka soo kabsan doonto xasuuqaan si la mid ah sidii ay uga soo kabsadeen xasuuqyadii Manchester City iyo Brentf...
Ninka ugu taajirsan dunida muxuu ka yiri hadalladii muranka dhaliyey ee Ilhaan Cumar?
Ilhaan Cumar oo 27-kii bishii dhamaatay hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri hadal muran wayn dhaliyay. “Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan,” ayaa kamid ahayd khudbad jeedisay Ilahaan. Hadalkeeda ka dib waxaa bilowda mawjado falcelin ah oo qaar badani kasoo baxayaan dad saameyn ku leh Maraykanka iyo siyaasaddiisa. Elon Musk – ninka ugu taajirsan adduunka isla markaana Maraykan ah balse asal ahaan kasoo jeeda Koonfur Afrika ayaa ka mid ah isaga oo calaamadda layaabka uga felceliyay muqaalka khudbadda Balse muuqaalo hore oo ay Ilhaan khudbado kalo duwan jeedineysay, kuwaas oo dib loogu soo celiyay baraha bulshada ayuu ka dhiibtay fikir. Qaybta falcelin ee mi...

Comments