Beesha Afrax Faarax

Beesha  Afrax  Faarax


Beesha Afrax Faarax waa beel ka mid ah beel weynta DIREED-SURE-QUBEYS-YABADHAALE. Beesha Afrax Faarax waa beel degan Xamar inka badan 400 sanno, beesha Afrax faarax waxey ka mid aheyd aasaasayaashii xamar, xamarna  waxay ka degaan Shingani C/casiis  kaaraan iyo dhamaan degmooyinka kale ee gobolka banaadir.

Beesha Afrax Faarax  degmada shigaani waxay degan yihiin inka  400 sanno iyo ka badan oo caddeymahooda la haayo  sida




Beesha Afrax Faarax waxay kamid ahaayeen beelihii ugu soo horeeyey degmada shingaani uguna faca weyn  waxay ku leeyihiin guryo badan  qadiimi ah  waxay ku leeyihiin masjid qadiimi ah oo lagu magacaabo  AW MOOJIYOOW maamulkiisa iyo masuuliyadiisana heyn jireen.






Beesha Afrax Faarax waxay ka mid ahaayeen beelihii wax ka dhisay  dekedii hore  xamar ee ku taal degmada c/casiis sidoo kale maamul iyo masuulba ka ahaayeen. Waxaana ka mid ahaa Xaaji yuusuf Abba oo u dhashay Beesha Afrax Faarax waxay sidoo kale gacanta ku heysay maamulka iyo masuuliyada masjidka facaweyn ee c/casiis oo uu gacanta ku hayey Maxamed Muuse Barroow oo u dhashay beesha
Afrax Faarax



Sidoo kale beesha Afrax Faarax waxay ka mid ahaayeen beelihii ugu horeeyey ee dib u dejin loo geeyey degmada c/casiis ka dib markii dhismaha waddooyinka ay bilaabeen gumeystihii talyaaniga  guryo badan ayaa laga dunshay shingaani oo uu laamigu maray sidaa ayey ku deggeen c/casis, intaa ka dib guryo badan ayey ka dhiseen iyo weliba  masjidka  weyn ee lagu magacaabo sheekh shamcuun ama loo yaqaano masjidka jaamaca waxaana dhisay Xaaji yuusuf Abba 

Beesha Afrax Faarax  waxay xamar ku soo dhaweeyeen dhamaan walaalahood beel weynta direer   si gaar ah walaalahood Axmed Faarax.
Beesha Afrax Faarax waxay laheyd nabadoono facweyn oo ay ka mid ahaayeen.

1.    Xaaji Yuusuf Abba  oo ka mid ahaa raggii wax ka dhisay gacanta ku hayey dekadii hore ee xamar ganacsina ku heystay 200 sano kahor.     
2.    Nabadoon Maxamed Maallin ee ahaa ninkii aasaasay ganacsigii soomaaliya illaa zenzibaar iskuna xirey.
3.    Sheekh Cumar ILeey wuxuu ahaa Nabadoonkii Faarax Barkaan waana ina xaaji yuusuf wuxuu kaloo ahaa maareeyihii dekeda xamar  aabihii xaaji yuusuf ka dib. 
4.    Nabadoon Nuur Cusuboow Maallin  wuxuu ahaa Nabadoon Afrax Faarax aad u facweyn iyo soomaalidoo dhan. 
5.    Nabadoon Muxudiin Kulmye oo ahaa Nabadoonkii kaaraan iyo c/casiis waqtigii leysku dhihi jirey Kaambo Loojo. 
             
 Beesha Afrax Faarax waxay aasaasayaal iyo hormuudba ka ahaayeen xisbigii SYL iyo halgankii gabonimo doonka soomaalidda .
Beesha Afrax Faarax dowladihii soomaaliya qeyb bey ka ahaayeen  dowladii waxay
Governatoreyaal ka ahaayeen Hiiraan ilaa Bari waxaana xukumi jirey Maxamed Xaaji Baanna  oo u dhashay beeshan Afrax Faarax. Gobolka banaadirna waxay isla waqtigaa dowladihii reyidka ahaayeen xisaabiyaha guud waxaana ahaan jirey c/qaadir Maxamed muuse .
Dowladdii Kacaanka  wasiirkii Beeraha soomaaliya waxaa ahaa Dr C/raxmaan Maxamed sheekh xassan 1970-1975 oo Afrax Faarax ah, dhanka muqdishana  beesha Afrax Faarax waxay ku laheyd matalaad iyo kursi 



Cali Maxamed Xusseen  (Cali Maax) ayaa ahaa xoghayahii gobolka banaadir  dowladii dhexe ee kacaanka  wuxuuna u dhashay beesha Afrax Faarax



Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?