Barcelona Oo Guul-darradii Labaad Ee Xidhiidh Ah Loo Xambaariyey Kaddib Naxdintii Man United
by:Mohamed Caddan
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul-darro xanuun badan kala
soo kulantay Almeria oo khadka cas kaga soo baxday saddex dhibcood oo ay ka
xoogtay Blaugrana kulan uu tababare Xavi Hernandez kaadh qaatay.
Barcelona ayaa iska lumisay fursad ay kusii dheeraysan lahayd
hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga oo ay toban dhibcood oo nadiif ah ka
horreyn lahayd, hase yeeshee gool uu qaybtii hore ka dhaliyey El Bilal Toure
ayaa musiibo ku noqday oo ay iska soo bedi waayeen.
Ciyaarta oo ay inteeda badan maamulaysay Barcelona oo ay heshay
fursado tiro badan, ayay sidoo kale ku sigteen in dhamaadkee gool kale loo
raaciyo, hase yeeshee waxa la baxsaday goolhaye Ter Stegen oo kubbad kalidii
loola tegay badbadiyey
45kii
daqiiqadood ee hore ee ciyaarta ayay Barcelona ogolaatay in ay Almeria siday
doonto u ciyaarto, waxaana layaab ahayd in difaaceedu uu furnaa oo ay
ogolaadeen in El Bilal Toure uu goolka guul-darrada u keenay uu ka dhaliyo
daqiiqaddii 24aad.
Afka hore ee
weerarka ee ay ku xoogganaayeen ayaa Barcelona qaybtii hore ka
burbursanaa inkasta oo ay ciyaarayeen Lewandowski, Ferran Torres iyo Gavi,
waxaanay awoodi waayeen in ay xataa hal gool ku aaddiyaan goolka inkasta oo ay
marar badan kubadda lasoo galeen xerada ganaax.
Raphinha oo
beddel kusoo galay ayaa sameeyey dhawr fursadood oo fiican balse kubbad uu
madax ku qabtay ayuu birta dul-mariyey.
Robert Lewandowski ayaa kubbad loo dhaafiyey difaacyahannada waxa
ka qabtay goolhaye Fernando Martinez oo laf-dhuungashay ku noqday balse
waxa lagu qaaday offside caddaan ah isaga oo xataa kubadda laga joojiyey.
Difaaca reer Uruguay ee Ronald Araujo ayaa dhamaadkii ciyaarta
waxa uu lumiyey fursad fiican oo uu kooxdiisa guul-darro kaga badbaadin lahaa
halka goolhaye Ter Stegen uu isaguna dhibaato badan la kulmay oo uu kubbado
badan badbaadiyey.
Embarka aya
soo burburiyey khadka dhexe ee Barcelona, waxaana uu kubbad u dhiibay Costa oo
isaguna ku toogtay goolka, balse goolhaye Ter Stegen ayaa isku kala bixiyey oo
ka badbaadiyey.
Guul-darradan
lama filaanka ku noqotay Barcelona ayaa waxay ka dhigan tahay in kooxda reer
Catalonia ay haysato 59 dhibcood, waxaanay toddoba dhibcood ka horreysaa Real
Madrid oo kaalinta labaad ku jirta.
Comments