CHAMPIONS: Manchester United Oo Ku Guuleysatay Carabao Cup
by: Mohamed Caddan
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku guuleysatay
koobkeedii ugu horreeyey muddo lix sannadood ah, iyaga oo finalka Carabao Cup
ku garaacay Newcastle United oo aan wax koob ah ku guuleysanin tan iyo
sannadkii 1955kii.
Erik ten Hag
ayaa ku hoggaamiyey Manchester United koobkeedii ugu horreeyey tan iyo 2017kii,
waxaanay 2-0 ku garaaceen Newcastle United kulan ay Casemiro iyo Marcus
Rashford isku qoreen diiwaanka goolasha.
Bilowgii
ciyaarta ayay labada kooxood si adag ugu loollameen khadka dhexe iyadoo
dagaalkiina ay ku guuleysatay Manchester United oo xiddigaheeda Casemiro, Fred
iyo Bruno Fernandes ay la khibrad ciyaareen xiddigaha xoogga ku dheela ee
Newcastle.
Casemiro ayaa
karoos heersare ah kasoo dhiibay dhinaca, waxaana uu lugta u saaray Fred oo
isaguna dib ugu soo celiyey Weghorst oo ku toogtay goolka, balse waxa
badbaadiyey goolkaye Karius oo isku tuuray kubadda oo dhulka socotay, ka hor
intii aanu David de Gea kubbd dheer u tuurin Marcus Rashford oo isaguna usii
gudbiyey Antony oo darbad xooggan ku toogtay waxaase mar kale badbaadiyey
goolhaye Karius.
Saint-Maximin ayaa burburiyey Diogo Dalot waxaanu kubbadda soo
hormariyey goolka oo uu lugta la tiigsaday Longstaff waxaase diyaar usii ahaa
David de Gea oo labada gacmood ku joojiyey kubaddaas.
Manchester
United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta daqiiqaddii 33aad. Casemiro ayaa madax
ku qabtay kubbad laad xor ahayd oo uu soo laaday Luke Shaw, taas oo uu
garsooruhu markiiba ansixiyey.
VAR ayaa shaki gelisay goolkan iyadoo lagu tuhmay
offside, hase yeeshee waa la fasaxay markii ay soo baxday in Casemiro uu la
sinnaa difaacyahannada Newcastle.

Shan daqoiiqadood kaddib ayay Manchester United hoggaanka sii
dheeraysatay, waxaana kubbad isku qabtay difaaca Newcastle ee Sven Botman oo
isku dayayey inuu joojiyo kubbad uu Marcus Rashford goolka la hortegay.
Kubbad uu Casemiro
khadka dhexe ka farsameeyey ayuu u dhiibay Weghorst oo isaguna difacyahannada u
dhaafiyey Marcus Rashford oo goolka ku toogtay, waxayse kusii dhacday Sven
Botman oo goolhaye Karius ka dallacay kubadda
Botman ayaa noqday ciyaartoygii saddexaad ee abid finalka Carabao
Cup iska dhaliya gool, waxaana ka horreeyey Roger Kenyon oo 1977 isku
qabtay kubbad, Gordon Chisholm oo1985kii sidaas oo kale sameeyey iyo Steven
Gerrard oo 2005 goolkiisa ku leexiyey kubbad uu isku dayayey inuu difaaco.
Burns ayaa madax awood badan dul-mariyey goolka Manchester United
markii uu helay kubbad uu Trippier dhinaca midig kasoo qaaday, hase yeeshee
weerar degdeg ah ayay Manchester United kaga jawaabtay waxaana kubbad awood badan
bannaanka ka toogtay Antony iyadoo uu goolhaye Karius sameeyey badbaadintii ugu
fiicnayd ciyaarta.
Eddie Howe
ayaa isbeddelo uu sameeyey qaybtii labaad waxay sare usoo qaadeen weerarka
kooxdiisa, iyadoo Saint-Maximin oo markii hore kalidii ay iskugu tegayeen
difaaca Manchester United uu helay Alexander Isak oo culayska ka fududayiyey.
Laakiin Erik ten Hag ayaa isaguna soo geliyey Aaron Wan-Bissaka oo ay
xakameeyey dhaqdhaqaaqii badnaa ee weeraryahanka reer France.
Wan-Bissaka
ayaa kubbad ka boobay dhexda Newcastle, waxaanu u dhiibay Rashford oo isaguna u
dhiibay Antony, waxaase difaacay Botman.
Fred ayaa
badbaadiyey kubbad halis badnayd oo uu Joelington ku toogtay goolkiisa, taas oo
muddo ku dhax wareegtay difaaca United oo ay iska saari kari waayeen.
Rashford ayaa isku dayay inuu helo gool magaciisu ku qoran yahay daqiiqadii 76aad, waxaana uu darbad xooggan ku toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Karius, waxaase goolka u diiday goolhayaha reer Germany oo isku tuuray kubbad awood badnayd oo dhulka socotay

Murphy ayaa dhamaadkii ciyaarta darbad xooggan ku toogtay goolka
United waxayse waxyar dhinaca midig ka martay birta.
Bruno Fernandes ayaa goolka la hortegay kubbad uu difaaca u jaray
oo aanay cidina haynin, waxaase shabaqiisa uga dhaartay Karius. Fernandes ayaa
haddii uu kubaddaas u dhiibi lahaa waxa meel cidlo ah taagnaa lab ciyaartoy oo
kooxdiisa ah.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Manchester
United oo sidaa ugu guuleysatay koobkeedii ugu horreeyey tan iyo sannadkii 2017.
Comments