Chelsea Oo Markana U Weecanaysa Dhinaca Zidane & Mushaharka Waalida Ah Ee Ay U Qorshaysay by Mohamed caddan February 24, 2023



Tababaraha ree France ee Zidane Zidane ayaa la sheegayaa inay saxeexiisa xiisaynayso kooxda wakhtiga adag ku jirta ee Chelsea laba sano kaddib markii uu ka tagay Real Madrid.

Zidane ayaa ahaa tababaraha da’yarta Real Madrid kahor intii aan 2016 loosoo dalacsiin kooxda koowaad isagoo bedelay Rafael Benitez.

Zidane ayaa laba wakhti oo kala duwan balse aad u guulo badan kusoo qaatay Madrid xilli uu saddex Champions League xidhiidh ugu soo guuleystay.

50 sano jirkaas oo markii labaad 2021 ka tagay Madrid ayaa hore loola xidhiidhinayay shaqada tababarenimo ee xulka France balse u muuqda inuu ka samray kaddib heshiis kordhinta cusub ee Didier Deschamps.

Sida haatan lagu sheegay wargeyska ree Spain ee Todofichajes, Chelsea ayaa haatan qorshaynaysa inay u dhaqaaqdo Zidane haddii ay caydhiso tababaraheeda English-ka ah ee Graham Potter oo culays saaran yahay.

Potter ayaan wax muuqda u qaban Blues tan iyo markii uu bedelay Thomas Tuchel bishii September iyadoo waliba mulkiile Todd Boehly maal-gelin badan la garab istaagay.

Todofichajes ayaa sheegaya in Chelsea ay doonayso inay Zidane usoo bandhigto dalab ay adagtahay inuu diido oo ay mushahar 15 Milyan oo pound ah siiso sanadkii.

Zidane oo wakhtiyo hore lala xidhiidhinayay Juventus iyo Man United ayaa dhawaan sheegay inuu shaqada tababarenimo degdeg ugu soo laaban karo.

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?