DAAWO: Arrinta Layaabka Leh Ee Uu Xalay Sameeyey Casemiro Ee Ay Dunidu Hadal-hayso Maanta by Mohamed Caddan February 24, 2023


Xiddiga reer Brazil ee Casemiro ayaa ah hadal-haynta ugu weyn ee maanta kaddib ficil uu sameeyey xalay oo sababay in warbaahinta iyo taageereyaashu illoobaan guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Barcelona, isla markaana isaga iyo falkii uu sameeyey lagu mashquulo.

Casemiro oo khadka dhexe ugu soo bilowday Manchester United labadii ciyaarood ee Barcelona ayaa sameeyey bandhig heersare ah, isaga oo jamaahiirta illowsiiyey ganaaxii uu saddexda ciyaarood ee horyaalka ah ku maqnaa.


Garsooraha Faransiiska ah ee Clement Turpin ayaa xalay kaadh ah siiyey Bruno Fernandes oo qalad ku galay Frenkie de Jong, taas oo keentay in ciyaartoyda labada kooxood ay isku buuqaan oo la kala celiyo, hase yeeshee Casemiro aya sameeyey arrin hadal-hayn badan abuurtay.


Kubbad-burburiyahan ayaan dhax gelin ciyaartoyda labada kooxood, waxaana uu iska dhaafay iyaga oo isku buuqsan oo dib loo kala jiidayo Bruno Fernandes iyo Ronald Araujo.

Casemiro oo sagaal sannadood oo uu usoo ciyaarayay Real Madrid ay si adag usoo dagaallameen ciyaartoyda Barcelona ayaa falka uu sameeyey ay taageereyaasha kubadda cagtu si aad ah u hadal hayaan, waxaanay is-weydiinayaan sababta uu ugu yaran u kala qaban waayey, halka qaar kalena ay ku doodeen in uu cashar ka bartay kaadhkii casaanka ahaa ee la siiyey ciyaartii Crystal Palace isaga oo kaliya markii hore doonayay inuu kala qabto ciyaartoyda balse markii dambe la arkay isaga oo cunaha haya Hughes.

Halkan ka daawo muuqaalka sida aadka ah dunidu u hadal hayso

bruno fight against barcaleona players 😲 #MUNBAR pic.twitter.com/vdzj5Aa8C1


— gvjj (@jjvjijk) February 23, 2023

 

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?