DEG-DEG: Arsenal vs Sporting Lisbon, Manchester United vs …. Isku-aadka Wareegga 16ka Europa League by Mohamed Caddan February 24, 2023
Isku aadka wareegga 16ka Europa League ayaa lagu dhawaaqay waxaana isku beegmay naadiyo waaweyn oo jeclaan lahaa in ay waqtigan kala badbaadaan, inkasta oo la kala leexiyey kooxaha isku waddanka ah sida Manchester United iyo Arsenal oo uu sharcigu diidayo inay isku dhacaan inta ka horreysa wareegga siddeedda.
Siddeed kooxood oo waqti hore u gudubtay wareegga 16ka ayaa sugayay inay soo kala baxaan naadiyadii kasoo dhacay Champions League ee kaalmaha saddexaad kaga dhamaystay group-yadooda iyo kuwii hore kaalmah labaad ugaga dhamaystay wareeggii 64ka Europa League.
Arsenal, Union Saint-Gilloise, SC Freiburg, Ferencvaros, Feyenoord, Real Betis, Real Sociedad iyo Fenerbahce oo waqti hore soo gudbay ayaa ahaa naadiyada lagu daba-faylayo ee kulada lugta labaadna lagu ciyaari doono garoomada, waxaana xalay soo raacay oo Juventus, Sporting Lisbon, Shakhtar Donetsk, Union Berlin, Bayer Leverkusen, Sevilla iyo Roma.
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa waajihi doonta Sporting Lisbon oo sannadkii 2005 yimid finalka Europa League oo waqtigaas la odhan jiray UEFA, waxaanay lugta hore Gunners u safri doontaa Portugal halka ciyaart labaadna ay garoonkeeda Emirates Stadium ku martigelin doonto.
Manchester United ayaa uu nasiibku ku beegay kooxda reer Spain ee Real Betis iyaga oo wareeggii 32kana kusoo khaarajiyey Barcelona oo iyaduna Spain ka dhisan. Old Trafford ayaa lagu ciyaari doonaa lugta hore, iyadoo ciyaarta xigtana ay Red Devils u safri doonto Spain.
Kooxda tababare Jose Mourinho ee AS Roma ayaa uu imtixaan adag sugayaa, waxaanay isku-dhaceen Real Sociedad oo xilli-ciyaareedyadii ugu dambeeyey bandhig heersare ah ka samaynaysay garoomada.
Kooxda lixda jeer ku guuleysatay tartanka ee Sevilla ayay isku dhaceen Fenerbahce oo reer Turkey halka Juventus ay waajihi doonto Feiburg oo ka dhisan waddanka Germany.
Isku-aadka wareegga 16ka Europa League
Union Berlin vs Union Saint-Gilloise
Sevilla vs Fenerbahce
Juventus vs Freiburg
Bayer Leverkusen vs Ferencvaros
Sporting Lisbon vs ARSENAL
MANCHESTER UNITED vs Real Betis
AS Roma vs Real Sociedad
Shakhtar Donetsk vs Feyenoord
Taariikho muhiim ah
- Waqtiga la ciyaarayo kulamada wareegga 16ka Europa League: March 9 and 16
- Waqtiga la samaynayo isku-aadka wareegga siddeedda Europa League: March 17
- Waqtiga la ciyaaarayo kulamada wareegga siddeedda: April 13 and 20
- Waqtiga la ciyaarayo semi-finalka: May 11 and 18
- Wqtiga la ciyaari doono Finalka Europa League: May 31
Comments