Erik ten Hag Oo War Shaki Leh Kasoo Saaray Dhaawaca Marcus Rashford

 by Mohamed Caddan 


     

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa shaaciyey in uu shaki weyni ku jiro xiddiga kooxdiisa ee Marcus Rashford ciyaarta finalka Carabao Cup ee Newcastle United ee Axadda.

25 jirkan ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Barcelona ee lugta labaad ee wareegga 32ka Europa League oo uu qaybtii dambe ka baxay garoonka.


Ten Hag ayaa waxa uu sheegay in Rashford uu ka maqnaaday tababarkii maanta ay ciyaartoyda kooxdu iskugu diyaarinayaan finalka Carabao Cup oo ay doonayaan inay kusoo afjaraan abaar koobab la’aan ah oo lix sannadood jirsatay.


Tababaraha oo la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Wax badan kama ogi sababtoo ah ciyaartoydu hadda ayuun bay kusoo noqonayaan tababarka. Waa in aanu baadhitaano samayno, dabcan mid caafimaad.

“Markaa waa in aanu sugno illaa inta uu taam ka noqonayo 100%. Waa in aynu sugno baadhitaannada.”

Marcus Rashford oo bandhig heersare ah samaynayay xilli ciyaareedkan ayaa waxa uu dhawacmay daqiiqaddii 88aad markii ay kubadda ku loollameen Ronald Araujo, waxaana uu dhaawaca Marcus Rashford dhibaato badan ku noqon doonaa Manchester United haddii uu ka maqnaado finalka Carabao Cup.


20kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada ee ay kooxdiisu dheeshay intii ka dambaysay Koobka Adduunka ayuu Marcus Rashford dhaliyey 17 gool

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?