Guardiola Oo Toos U Tilmaamay Arrin Sababi Karta Inay Arsenal Dhibco Lumiso Oo Premier League Kaga Guuleystaan
Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa daboolka
ka qaaday sabab kooxda ay horyaalka ku tartamayaan ee Arsenal dhibco ku lumin
karto horyaalkana ugaga guuleysan karaan.
Arsenal ayaa
haatan laba dhibcood hoggaanka kaga haysa Man City iyadoo waliba kulan baaqi u
yahay, Gunners ayaa kulankaas oo ay Everton gudaha toddobaadkan la ciyaarayaan
hoggaanka shan dhibcood ugu dheeraysan kara. Tababaraha Spaniard-ka
ah oo la hadlay BBC 606 ayaa sheegay in sababta ay Arsenal dhibcaha u lumin
karto haatan ay tahay inay ciyaarayso UEFA Europa League khamiisaha.
“Kulamo badan (Ayaa hadhay) wali waxyaabo badan ayaa dhici doona”
ayuu yidhi tababarihii hore Barcelona iyo Bayern Munich.
“Waan ogahay sida ay iyagu (Arsenal) u fiican yihiin, waan ogahay
dhibco ma lumin karno balse haatan sidoo kale waxay bilaabayaan ciyaarista
Europa League”.
“Waxbadan ayaa dhici doona, iyagu dhibco way lumin doonaan, anagu
dhibco ayaanu lumin doonaan, kooxda dhibcaha yar lumisa ayaa horyaalka ku
guuleysan doonta”.
Arsenal ayaa la ballansan lugta hore ee wareega 16-ka UEFA Europa
League dhigeeda Sporting Lisbon 9ka bisha dambe ee March. Kaliya
wakhtiga ayaa sheegi doona haddii jawdalka oo ku cuslaadaa uu dhibaatooyin ku
keeni doono safka da’yarta ah ee Miikel Arteta.
Comments