Khabiirka BBC Sports Oo Saadaaliyey Finalka Carabao Cup Ee Axadda Iyo Kulamada Horyaalka Premier League Ee Toddobadkan – Kooxaha Uu Ka Farxiyey Iyo Kuwa uu ka naxshay Saadaasha by Mohamed Caddan February 24, 2023
Khabiirka cusub ee BBC Sports ay xilli-ciyaareedkan hawlgelisay ee Chris Sutton ayaa soo saaray saadaashiisa toddobaadlaha ah oo ay ku jirto ciyaarta finalka Carabao Cup ee Manchester United iyo Newcastle United ee Axadda, taas oo uu saadaashiisa kaga sii farxiyey jamaahiirta mid ka mid ah labadan kooxood.
Horyaalka Premier League waxa toddobaadkan ka dhacaya kulamo waaweyn oo ay natiijooyinkoodu isbeddel ku keeni karayaan miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League oo ay hadda Arsenal ku hoggaaminayso laba dhibcood oo ay ka sarrayso Manchester City oo labaad fadhida.
Kooxaha dhibaatada weyn ku jira ee Liverpool iyo Chelsea ayaa imtixaanno adag kusoo mari doona garoomo ay marti ku noqonayaan, halka Arsenal ay iyaduna tegi doonto King Power Stadium oo ay marti ugu noqonayso Leicester City.
Chris Sutton oo saadaalinayay kulmada toddobaadkan ayaa waxa uu sheegay in Koobka Carabao Cup uu gacanta u geli doono Newcastle United oo waliba rikoodheyaal kaga badinaysa Manchester United, taas oo haddii ay dhacdo noqon doonta koobkii ugu horreeyey ee ay Magpies ku guuleysato tan iyo sannadkii 1955kii.
Waxa kale oo uu Chris Sutton guulo u saadaaliyey Arsenal iyo Manchester City, balse Liverpool ayaa uu niyad-jabiyey oo uu u sheegay in ay qalbiga sii adkaystaan ka hor ciyaarta ay Sabtida martida u noqonayaan Crystla Palace.
Chelsea ayaa uu Chris Sutton ka furfuray culayskii badnaa ee saarnaa xilli ciyaareedkan, waxaana uu ugu bushaareeyey guul.
Saadaasha Chris Sutton ee toddobaadkan
Carabao Cup Final: Manchester United 1-1 Newcastle (p*) – Rikoodheyaal ayay Newcastle ku badinaysaa
Jimce
Fulham 1-0 Wolves
Sabti
Everton 1-1 Aston Villa
Leeds United 2-1 Southampton
Leicester 1-3 Arsenal
West Hma 1-1 Nottingham Forest
Bournemouth 1-4 Man City
Crystal Palace 1-1 Liverpool
Axadda
Tottenham 1-2 Chelsea
Comments