Mikel Arteta Oo War Cusub Kasoo Saartay Dhaawacyada Thomas Partey Iyo Gabriel Jesus Mohamed Caddan February 24, 2023

 





Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa war cusub kasoo saaray xiddigaha dhaawaca kaga maqan kooxdiisa ee Thomas Partey iyo Gabriel Jesus xilli ay isku diyaarinayaan kulanka adag ee Sabtida ay King Power Stadium ku booqanayaan Leicester City.

Gunners oo laba dhibcood ku haysa hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa u baahan guul si ay uga baxsato Man City oo booska labad ku jirta.


Arteta ayaa labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Manchester City iyo Aston Villa aan haysanin Thomas Partey oo dhaawac ku maqan, sidoo kalena Gabriel Jesus ayaan kooxdiisa u dheelin wixii ka dambeeyey Koobkii Adduunka ee Qatar oo uu dhaawac kasoo gaadhay kaas oo sababay in qalliin lagu sameeyo.


Eddie Nketiah ayaa ahaa weeraryahanka dhexe ee kaliya ee ay Arsenal haystay tan iyo dhaawacii Jesus, hase yeeshee si fiican ayuu u buuxiyey booskaas iyadoo uu gaadhay heer ay khubarada ciyaaruhu ku taliyaan in Gabriel Jesus kaydka loo diro marka uu kusoo laabto garoomada.

Tababare Mikel Arteta oo saxaafadda la hadlayay Jimcihii manta ayaa sheegay, in aanu hubin in Partey uu diyaar u noqon doono ciyaartan, halka xaaladda Gabriel Jesus aanay wali waxba iska beddelin, waxaanu yidhi: “Wax badan iskama beddelin dhawacyada.

“Su’aasha Thomas Partey waxay jawaabteedu tahay in aanu in badan tababarka nala qadanin laakiin uu soo laaban karo. Waynu eegi doonaa sida uu maanta ahaado. Waxa uu seegay kulamo yar, balse in uu soo laabto waanu rajaynaynaa.”


Arteta oo ka hadlayay Gabriel Jesus, ayaa waxa uu yidhi: “Horumar ayuu ka samaynaya soo kabashada. Wax badan ayuu ka samaynaya tababarka, jilibkiisuna wax jawaab ah ma bixinayo, markaa xaaladdu way togan tahay. Waxa aanu doonaynaa in uu sida ugu degdegga  badan noogu soo labto balse waxa aanu ixtiraamaynaa waqtiga ay dhakhaatiirtu u qabteen soo laabashadiisa.”

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?