RASMI: Sergio Ramos Oo Si Murugo Leh Uga Fadhiistay Kubadda Cagta

 by Mohamed Caddan February 23, 2023




Difaaca kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa shaaciyey caawa inuu si rasmi ah uga fadhiistay ciyaaraha kubadda cagta caalamiga ah, isaga oo ku eedeeyey tababarihiisa inuu ku qasbay inuu qaato go’aankan kaddib markii uu u sheegay in aanu qorshihiisa ku jirin.

Sergio Ramos ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada, waxa uu ku sheegay in saaka uu telefoonka kasoo wacay tababaraha xulka qaranka cusub ee Luis de la Fuenta oo uu u sheegay in aanu kusoo dari doonin xulkiisa, isla markaana aanu qorshaha ugu jirin in uu ugu yeedho xulka.

36 jirkan aya qoraal dheer oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay, in isaga oo aan raalli ka ahayn uu tababare Luis de la Fuenta uu ku qasbay in uu ka fadhiisto kubadda cagta maadaama uu tababaruhu u sheegay in aanu marnaba ugu yeedhin xulka.


Ramos oo 180 ciyarood u saftay xulka qarankiisa, isla markaana ah ciyaartoyga ugu safashda badan dalkiisa ayaa waxa uu ku dhawaaqay inuu soo afjaray 17 sannadood oo uu xulkiisa u dheelay, isaga oo kula guuleystay laba Euro iyo Koobkii Adduunka 2010.

Waxa kale oo uu sheegay, in uu doonayay inuu xulka dalkiisa u ciyaaro illaa inta ay awooddi9isa ciyaareed reebayso amaba uu isagu go’aan ku gaadhayo inuu isagu ka fadhiisto ciyaaraha, isaga oo kusoo hal-qabsaday Lionel Messi, Pepe iyo Luka Modric oo wali muhiim ka ah xulalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Sergio Ramos ayaa waxa uu hadda diiradda saari doonaa u ciyaarista naadiyada isaga oo rajaynaya in PSG ay heshiis cusub siiso marka uu dhamaado qandaraaskiisa hadda oo ku eg dhamaadka xilli-ciyaareedkan.


Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?