Roy Keane Oo Xalay Kula Kaftamay Ten Hag Inuu IS-CASILO & Sababta

by:Mohamed Caddan



Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa tababare Erik Ten Hag kula kaftamay inuu xalay iska casilo shaqada kooxda daqiiqado kaddib markii ay ku guuleysteen tartanka Carabao Cup.

Red Devils ayaa ugu dambayn ka baxay abaarta koobab la’aanta kaddib guul 2-0 ah oo ay ka gaadheen Newcastle United oo ay kaga adkaadeen goolal ka yimid Casemiro iyo Marcus Rashford.

Sababta keentay in Keane kula kaftamo Ten Hag inuu iska casilo shaqada ayaa ah qoob ka ciyaarkii uu la sameeyay xiddigihiisa Lisandro Martinez iyo Antony Santos kaddib guushaas.

Antony iyo Martinez ayaysan ahayn markii ugu horreysay ee ay sidaas ula ciyaaraan tababaraha Dutch-ka ah balse horay ayay ugu soo samayn jireen kooxda Ajax oo ay qayb kasoo wada ahaayeen.

Keane oo ah nin adayg badan ku caan ah ayaa isaga oo la kaftamaya Erik ku yidhi “Waa inaad is-casisho kaddib arrintaas, waa inaad is-casisho caawa”.

Kaddib macalinkii hore ee Ajax oo u jawaabayay ayaa yidhi “Hore ayaan u sameeyay, taariikh ayaanu wada leenahay (Saddexdooda), waxaanu rajaynaynaa inaanu samayn karno (Intaas ka badan)”.

Keane ayaa intaas kaddib amaan ugu qubeeyay xiddigaha Man United isagoo si gaar ah u amaanay Casemiro oo abaalmarinta xiddiga kulanka ku guuleystay.

“Eeg falcelinta ciyaartoyda, taageerayaasha. Ciyaartoydan iyo tababaruhu aad ayay ugu baahnaayeen guushan. Way u qalmeen guusha, waxay ahayeen kuwo faa’ido badan, laba gool oo wanaagsan ayay dhaliyeen”.

“Casemiro waa ciyaartoy cajiib ah midaas waanu ogayn balse mararka qaar waxaad u baahantahay inaad meel-dhaw ka daawato si aad u aragto siduu u fiican yahay”





Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?