Sababta Isku Dhacii Bruno Iyo Casemiro Ee Xataa Iyagoo Koob Ku Guuleystay Oo La Ogaaday
by: Mohamed Caddan
Xiddigaha muhiimka u ah kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes iyo Casemiro ayaa la arkayay iyagoo murmaya il-bidhiqsiyo kooban kaddib markii ay kooxdooda xalay ku hoggaamiyeen Carabao Cup.
Man United ayaa guul 2-0 ah ka gaadhay Newcastle United kaddib goolal qaybtii hore ka yimid Casemiro iyo Marcus Rashford.
Tababare Erik Ten Hag ayaa gabi ahaanba bedelay hab fikirka xiddigaha Man United oo haatan u muuqda kuwo guusha waxkasta u samaynaya isla markaana xataa qaladaad yar yar isku qabsanaya guulaha kaddib.
Casemiro oo guuleyste weyn ah koobab badana kusoo guuleystay waayihiisa ciyaareed ayaa muujiyay in hanashada koob aysan waxkasta ahayn kaddib hadaladii dhex maray isaga iyo Bruno Finalkii xalay.
Sababta uu Case ku haystay Bruno ayaa ah fursadii ugu dambaysay kulanka ee uu Bruno lahor tagay goolka Newcastle United isla markaana uu goolka ku laagay isagoo baasi karaya ugu dambayna uu ka badbaadiyay goolhaye Loris Karius.
Man United ayaa weerar 3 v 1 ciyaartoy ah ku heshay Magpies, Fernandes ayay baas ka sugayeen Jadon Sancho iyo Marcus Rashford balse isaga ayaa isku dayga sameeyay waana waxa uu su’aasha ka keenay Casemiro.
Ugu
dambayn, labada xiddig ayaa ka gudbay arrintaas iyagoo si wadajir ah
dhoola-caddeyn ugu dabaaldegay guusha ay gaadheen.
Comments