“Shil Baabuur Ayaan Galay, Kalsoonidayduna Way Ruxantay” – Jurgen Klopp Oo Saxaafadda La Hadlay | by Mohamed Caddan February 24, 2023
Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa daboolka ka qaaday inuu lumiyey kalsoonida oo uu waliba ruxan iyo kala-daadsanaan sameeyey kaddib markii uu galay shil baabuur oo naftiisa halis geliyey.
Jurgen Klopp ayaa kaddib guul-darradii Real Madrid ay ugu geysatay Anfield ee 5-2 ahaa, waxa uu sheegay in aanay maskaxdiisu fdhiyin oo ay jug weyni soo gadhay, isla markana shil baabuur oo uu galay uu isbeddel ku keenay maskaxdiisa.
Inkasta oo shilka baabuur kaddib uu Klopp dib u helay awooddiisa maskaxeed oo uu kooxdiisa ku hoggaaminayo ciyaarta ay safarka ku tegayaan magaalada London oo ay marti ugu noqon doonaan Crystal Palace Sabtida berri, haddana waxa uu Klopp sheegay in uu jiro shil babuur oo saamayn kaga tegay isla markaana waxyeello gaadhsiiyey maskaxdiisa.
“Wax kasta oo noloshaada ku dhacaa saamayn ayay ku yeelanayaan kalsoonidaada.” Ayuu Klopp hadalkiisa ku bilaabay, waxaanu yidhi: “Dhowaan waxa aan galay shil baabuurkayga ah, aniga oo baabuurka wada ayaan waddada ka baxay.”
Comments