“Sida Kaneecada Ayuu Ugu Wareegay” – Xiddiga Manchester United Ee Uu Sida Layaabka Leh U Amaanay Erik ten Hag by Mohamed Caddan February 24, 2023



Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa si layaableh u amaanay xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee Fred oo uu sheegay inuu sidii loo baahnaa u qabtay shaqadii uu u diray, isla markaana sida kaneecada oo kale uu ugu wareegay oo uu nuuxsiga u diiday xiddigii Barcelona ee uu u diray inuu joojiyo.

Manchester United ayaa guul soo laabasho 2-1 ah ka gaadhay Barcelona waxaanay u gudubtay wareegga 16ka Europa League oo ay maanta sugayaan kooxda ay isku dhici doonaan marka isku aadka lagu sameeyo waddanka Switzerland.


Barcelona oo gool rikoodhe ahaa la hormartay ayaa laba loogu beddelay iyaga oo lugtii hore ee Camp Nou kusoo kala baxay 2-2, taas oo ka dhigan in Man United ay 4-3 ugu gudubtay wareegga xiga halka Barcelona ay macasalaamaysay tartamada Yurub.

Erik ten Hag oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisu ay si fiican u shaqaysay, waxaase uu si gaar ah ula baxay dhawr ciyaartoy oo uu amaan u jeediyey, sida Antony oo uu ku tilmaamay geesi aan baqanin oo difaacyada Barcelona nafta u keenay.

Laakiin ciyaartoyga shaqada weyn qabtay ee uu Erik ten Hag amaanta aan hore loo arag u jeediyey ayaa ahaa Fred oo uu xusay inuu la degay Frenkie de Jong oo uu u xil-saaraya inuu u diido inuu kubadda ciyaaro.

29 jirkan ayaa uu Erik ten Hag ku dardaaray inuu ilaaliyo De Jong si khadka dhexe ay ugaga gacan-sarreeyaan, waxaana Ten Hag oo ciyaarta kaddib la hadlayey saxaafaddu uu yidhi: “Door muhiim ah ayuu kooxda ku lahaa ciyaartii toddobaadkii hore ee Barcelona.


“Shaqadiisa koowaad waxay ahayd inuu Frenkie de Jong ka joojiyo ciyaarta, waxa uu u ciyaaray sida kaneecda oo kale, waanu daba taagnaa waxanu u dheelay si cajiib ah.


“Toddobaadkii hore, waxa uu caawin cajiib ah siiyey Marcus Rashford, maantana [xalay] gool ayuu dhaliyey, bandhig heersare ahna wuu sameeyey.”


 

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?