“Waa Astaanta Jacaylka & Ixtiraamka” – Sababta Uu Oleksandr Zinchenko U Noqday Kabtanka Arsenal Ee Ciyaarta Leicester City

 

by Mohamed Caddan February 25, 2023


Mikel Arteta ayaa ciyaartoy lama filaan ah u magacaabay kabtanka kooxdiisa ee kulanka Leicester City, isaga oo u doortay Oleksandr Zinchenko oo xagaagii ay kasoo iibsadeen Manchester City.

Taageereyaasha Arsenal ayaa ku war helay iyadoo kabtannimada kooxooda uu xidhan yahay Oleksandr Zinchenko oo toddoba bilood oo kaliya ku sugnaa Emirates Stadium, balse kooxda yaaa sharraxaad ka bixisay sababta iyadoo jamaahiirta kooxduna baraha bulshada kaga falceliyeen.

Difaca bidix ee reer Ukraine ayay kooxdiisu ku maamuustay inuu noqdo kabtanka hoggaaminaya kooxdiisa si ay niyadda ugu dhisaan oo ay ugu maamuusaan sannad-guurada koowaad ee kasoo wareegtay duullaankii uu Ruushku ku qaaday waddanka Ukraine.

Mikel Arteta oo taageero u muujinayay difaaciisan tan iyo markii uu kala soo wareegay Man City, ayaa waxa ciyaarta ka hor uu saxafadda u sheegay, in calaamadda kabtannimada ee Arsenal ay ku maamuuseen Oleksandr Zinchenko sababtoo ah ‘waa astaanta ixtiraamka iyo jacaylka’.


Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?