“Waxaynu Aragnay Real Madrid Iyo Liverpool, Haddii Aad Barcelona Ka Adkaato…” – Ten Hag Oo Guushii Barca Wayneeyay by Mohamed Caddan February 24, 2023
Tababaraha kooxda
Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa amaanay guushii kooxdiisu ka gaadhay
xalay Barcelona oo ay 2-1 ku garaaceen ciyaar ka dhacday gegida Old Trafford
iyagoo guud ahaan 4-3 kaga gudbay labada lugoodba.
Goolal
ay qaybtii dambe dhaliyeen xiddigaha Brazilian-ka ah ee Fred iyo Antony ayaa ka
caawiyay in United kasoo laabato rigoore uu Robert Lewandowski qaybtii hore
hoggaanka ugu dhiibay.
Ten Hag ayaa kulanka kaddib muuqbaayaha BT Sports weydiiyay
haddii ay tahay guushiisii ugu weyneyd mudada uu joogay Red Devils wuuna ku
raacay.
ETH ayaa yidhi isaga oo guushaas ka hadlayay “Sidaas ayaan
filayaa, guulo wanaagsan ayaanu kaga gaadhnay garoonkayaga Arsenal iyo
Liverpool balse tani waa laba lugood”.
“Barcelona waa
Barcelona, siddeed dhibcood oo saafi ah ayay ku hayaan La Liga. Toddobaadkan
waxaynu aragnay Real Madrid oo Liverpool la ciyaaraysa (5-2), haddii aad iyaga
garaacdo waa guul weyn”
Guushaas
ayaa ka dhigan in Man United wareega 16-ka Europa League u gudubtay maantana
isku aadkiisa sugayso.
Man United ayaa kulankale oo weyn Axada la ballansan Newcastle United oo ay Finalka Carabao Cup wada ciyaarayaan.
Comments