“Wuxuu U Dhashay Inuu Guuleysto” – Xiddigii Ay Manchester United Ay Uga Mahad-celisay Guushii Carabao Cup Oo La Magacaabay

 by Mohamed Caddan --  February 26, 2023



Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyey dhamaan tartamada muddo lix sannadood ah, waxaanay soo afjartay koob la’aantii haysatay tan iyo sannadkii 2017.

Red Devils ayaa 2-0 ku garaacday Newcastle United kuna guuleysatay Carabao Cup. Waxay koobkan qaadeen iyadoo Erik ten Hag uu 40 ciyaarood oo kaliya layninayay kooxdan oo uu isbeddel badan ku sameeyey.

Taageereyaasha Manchester United ayaa guushan uga mahad-celiyey xiddig kooxdooda ah oo ay ku tilmaameen ‘xiddig u dhashay guusha’ kaas oobandhig heersare ah ka sameeyey Wembley Stadium, iyadoo magaciisa iyo sawirradiisu ay qabsadeen baraha bulshada.

Xiddiga reer Brazil ee Casemiro oo goolka koowaad dhaliyey, sidoo kalena qayb ka qaatay dhismaha kubadda goolka labaad ayaa shaqo cajiib ah ka qabtay khadka dhexe iyo difaaca kooxdiisa, waxaana uu ku guuleystay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta.

Jamaahiirta kooxdiisa ayaa ciyaarta kaddib waxay falcelin ka sameeyeen bandhiggii Casemiro oo ay khubarada ciyaaruhu isku raacsan yihiin inuu yahay xiddiga beddelay qaab-ciyaareedka Manchester United.









Mid ka mid ah taageereyaasha Manchester United ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray: “Ciyaaryahanka weyn ee munaasabad weyn. Halkaa gal Casemiro!!!”

Mid saddexaad ayaa isaguna qoray: “Casemiro wuxuu u dhashay inuu ku guuleysto finalada. Alla muxuu yahay ninka munaasibadaha waaweyn.”

Si kastab, Casemiro ayaa 17 final oo uu tegay waxa uu guuleystay oo uu koobka qaaday 16 ka mid ah, waxaana uu door weyn kasoo qaatay 15 final oo kooxdiisii hore ee Real Madrid ku guuleysatay koobab ka hor inta aanu finalkii caawa ka caawin Manchester United

                                               

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?