Xiddigaha Laga Ganaaxay Liverpool Iyo Waqtiga Ay Soo Laabanayaan Ciyaartoydii Dhaawaca Ku Maqnaa by Mohamed Caddan February 24, 2023
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaaladdii ugu xumayd muddo sannado ah, waxaana iyaga oo kaalinta siddeedaad kaga jira horyaalka Premier League lagu wargeliyey in ay waayi doonaan ciyaartoy kale oo ganaax ku maqnaan doona kulanka adag ee ay Crystal Palace ku booqnayaan magaalada London.
Reds ayay dhaawacyo kg maqan yihiin dhawr ciyaartoy oo muhiim ah, laakiin waxa dib ugu soo noqday Diogo Jota, Roberto Firmino iyo Virgil van Dijk oo dhamaantood diyaar u ah inay dheelaan ciyaarta Crystal Palace.
Dhinaca ganaaxyada Darwin Nunez oo bishii August casaan qaatay kulankii Crystal Palace ayaa markan diyaar ah oo u dagaallami doona sidii uu goolal ugaga aargoosan lahaa kooxda niyad-jabka weyn ku ridday waqtigii uu isku dayi lahaa inuu saldhigo horyaalka Premier League.
Difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo ku dhaawacmay ciyaartii Brighton & Hove Albion ee FA Cup ee dhamaadka bishii January ayaa labadii tababar ee ugu dambeeyey la qaatay ciyaartoyda kooxdiisa, waxaanu diyar u yahay inuu kaydka kusoo bilowdo inkasta oo ay waqti hore ku noqon karto.
Thiago Alcantara ayaa isaguna samaynaya soo kabasho dhaawac soo gaadhay horraantii bishan February oo loo qabtay inuu afar toddobaad kaga soo kaban doono, hase yeeshee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey in xaaladda Thiago ay ka xun tahay sidii ay moodayeen markii hore.
Garabka weerarka Colombia ee Darwin Nunez oo dhaawac jilibka ah uu kasoo gaadhay ciyaartii guul-darrada ee ay Arsenal 3-2 kaga badishay October 3, ayaa loo qabtay badhtamaha bisha dambe ee March halka Cavlin Ramsay uu xilli ciyaareedka oo dhan ku maqnaan doono dhaawac.
Joe Gomez oo beddel lagu saaray ciyaartii Real Madrid ayaa la arkayay isaga oo kasii baxaya garoonka oo is-haya muruqa bowdada, lamana hubo inuu diyaar u noqon doono kulanka Crystal Palace.
Ganaaxyada
Liverpool ma jiro ciyaartoy ganaax kaga maqnaanaya kulanka Premier League ee Crystal Palace, sidoo kalena ciyaarta Champions Legue ee lugta labaad ee Real Madrid ayaanay cidina ka maqnaan doonin.
Trent Alexander-Arnold oo hal kaadh oo digniin ah u jiray in la ganaaxo, ayaa is-ilaaliyey ciyaartii hore.
Comments