Achraf Hakimi Oo Furay Hibo Abuuk Kaddib Fadeexadda Kufsiga Ee Lagu Eedeeyey Laacibkan
by: Mohamed Caddan
Xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakimi ayay kala tageen xaaskiisii Hiba
Abouk kaddib markii laacibkan lagu eedeeyey inuu kufsaday gabadh toddobaadkii
hore, taas oo ka gudbisay dacwad ay hadda baadhisteeda gacanta ku hayaan
booliska iyo xeer ilaalinta Fransiisku.
Achraf Hakimi ayaa la sheegay toddobaadkii hore uu gurigiisa ugu yeedhay
gabadh ay saaxiibbo yihiin, xilli ay xaaskiisu fasax ugu maqnayd magaalada
Dubai, waxaanay haweenaydaasi waxyar kaddib la xidhiidhay booliska iyadoo
sheegtay in Achraf Hakimi uu gurisiisa ku dhax kufsaday.
Warbaahinta Cieere Digital ayaa sheegtay in Achraf Hakimi iyo Hiba Abouk
ay is-fureen inkasta oo ay isku dhaleen laba carruur ah, waxaanay hadda iyada
iyo labadeedii carruurta ahaaba ku sugan yihiin magalada Dubai.
Hiba oo ay da’deedu tahay 23 jir, ayay iskugu darsameen laba arrimood oo
ay midda hore tahay kufsiga lagu eedeeyey ninkeeda iyo arrinta labaad oo ah in
uu naag keensaday gurigeeda xilli ay iyada iyo carruurteeduba maqan yihiin.
Xiddigan 24 jirka ah ayaa la sheegay in baadhitaankiisa ay gacanta ku hayaan boolisku, waxaana suurtogal ah in xabsiga loo taxaabo haddii la helo caddaymo buuxa.
Comments