Alexander-Arnold Oo Sii Kashifay Qorshaha Ay Liverpool Ku Joojinayso Marcus Rashford

 


Difaaca midig ee Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa daboolka ka qaaday qorshaha ay kooxdiisu u dejisay sidii ay u joojin lahayd weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford marka ay kooxdiisa Manchester United Axadda u safarto Anfield.

Trent Alexander-Arnold oo ay da’diisu tahay 24 jir ayaa axa sugaysa shaqo adag oo ah inuu xakameeyo Marcus Rashford oo 18 gool dhaliyey intii ka dambaysay Koobkii Adduunka, isla markaana ku jira qaab ciyaareed fiican.

Erik ten Hag ayaa garabka bidix kusoo bilaabi doona Rashford taas oo abuuraysa dagaal fool ka fool ah oo ay iskaga hor yimaddaan Alexander-Arnold, waxaana haddii ay Reds joojiso xiddiga England ay ka badbaadi doonaan khatar eyn.

Trent Alexander-Arnold oo la hadlayay saxaafadda ka hor ciyaarta kooxdiisu ay Axadda ku martigelinayso Manchester United ayaa la eydiiyey qorshaha  ay ku joojinayaan Marcus Rashford, waxaanu ku jawaabay: “Waxa kaliya ee Marcus iska beddelay waa dhalinta goolasha, laakiin sida kale waxba iskama ay beddelin, sababtoo ah mar walba khatar ayuu ahaa, waanan hubaa inuu khatar nagu noqon doono Axadda.

“Waxay noqon doontaa ciyaar adag, laakiin waxa aan rajaynayaa inuu noqon doono imtixaan anaagsan.

“Way adag tahay in la joojiyo Rashford, waa ciyaartoy hibooyin badan ku hubaysan, laakiin waxay ila tahay in aanu samayn doono dadaal kooxeed oo isku duuban, mana noqon doono dagaal qof iyo qof ah.”

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?