“Aniga Iyo Aabihii Waxaanu Taageernaa Barca Laakiin Kvara….” – Wakiilka Kvaratskhelia Oo War Cad Dhiibay

 by:Mohamed Caddan


Wakiilka garabka kooxda Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia ayuu kasoo yeedhay hadal jihayn kara mustaqbalka xiddigaas wacdaraha ka dhigaya kooxda ree Talyaani.

Napoli ayaa xagaagii samaysay ganacsi waali ah oo ilaa imika kooxaha Yurub la dhacsan yihiin maadaama ay kaliya 10 Milyan oo euro kusoo qaateen xiddigan haatan qiimihiisu tobbanka jeer ka badan jibaarmay.

Kvaratskhelia oo xilli ciyaareed heer sarre ah ku qaadanaya gegida Diego Maradona Stadium ayaa lagu naanaysay Kvaradona maadaama ay jamaahiirta kooxdaasi ku xasuusteen halyeeygooda Maradona.

Kvara ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo Yurub ah haddii ay noqoto Premier League iyo haddii ay dhinaca La Liga tahayba.

Wakiilkiisa oo u warramay il-wareedka Geo-Team oo laga leeyahay dalka xiddigu kasoo jeedo ee Georgia ayaa sheegay in isaga iyo xiddiga aabihii taageeraan Barcelona balse Kvara uu isagu yahay taageere Real Madrid ah.

“Aabihii iyo anigu waxaanu nahay taageerayaal Barca ah balse Kvara wuxuu jecel yahay Real Madrid. Haddii aan ku arko maaliyada Barca waan farxi doonaa balse isagu waa Madridista” ayuu yidhi.

“Napoli waxay i weydiisatay in aanan deg-degin Kvara-na wuu jecel yahay waxkasta oo Napoli ku saabsan”.

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?