Carlo Ancelotti Oo Si Aan Gabasho Lahayn U Caddeeyay Meesha Ay Ka Liidato Kooxdiisa Real Madrid
Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa si cadaan ah u
sheegay dhibaatada kooxdiisa ee kulamadii ugu dambeeyay.
Real Madrid ayay markale ceel dheer ku dhacday rajadeeda ku guuleysiga
horyaalka La Liga kaddib barbardhac ay lasoo galeen xalay Real Betis, waxay
sidaas sagaal dhibcood horyaalka kaga dambeeyaan Barcelona.
Los Blancos ayaa ku dhibtooday inay wax saamayn ah ku yeeshaan gegida
Estadio Benito Villamarin iyagoo kulamo isku xiga aan wax gool ah dhalin.
Dhibaatada ah inaysan kooxdiisu wax halis ahba galin karin goolka kooxda
kasoo horjeeda ayaa werwer galisay tababaraha Talyaaniga ah oo kulanka kaddib
sheegay inay kooxdiisu ka liidato afka hore.
“Ka faa’idaynta ayaa ka maqnayd afkayaga hore, qaybtii hore kulanku aad
ayuu u furnaa waxaana jiri karayay xalal badan oo fursado lagu sameeyo” ayuu
hadalkiisa ku bilaabay Carlo.
“Haatan waxa naga maqan ka faa’idaynta, in badan ayaanu goysmo samaynaa
balse inyar ayaanu kubadda laagaynaa”.
“Taas ayaa nagu sababtay in aanan gool dhalin saddexdii kulan ee ugu
dambeeyay, maanta waxaanu helnay saddex ama afar fursadood oo cad cad, nasiib
wanaag wax wanaagsan ayaanu ka samaynay daafaca sababtoo ah halkaas ayaanu aad
ugaga fiicanahay (Weerarka)”.
Kulanka xiga ee Real Madrid ayaa ah ciyaar ay Bernabeu kula ciyaarayso Espanyol kahor intaysan Champions League iyo Copa Del Rey la ciyaarin Liverpool iyo Barcelona.
Comments