Casemiro Oo Si Faah-Faahsan U Sharaxay Farqiga Weyn Ee Doorkiisii Real Madrid Iyo Midka Man United
by:Mohamed Caddan
Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Carlos Henrique Casemiro
ayaa sharaxay farqiga u dhaxeeya doorkiisa haatan ee kooxda Premier League iyo
midkiisii sanadaha badan ee Real Madrid.
Casemiro ayaa xagaagii 50 Milyan oo pound oo lagu daray 10 Milyan oo
gunnooyin shuruudo ku xidhan ah ugu wareegay Red Devils isagoo si weyn u
anfacay dhawaana ku guuleeyay koobkoodii ugu horreeyay mudo dheer kaddib.
Casemiro ayaa marka laga yimaado inuu daboolo daafacyada kooxdaas sidoo
kale muujinaya awood dhinaca weerarka ah isagoo goolal iyo caawimooyin badan
samaynaya.
Haatan Case ayaa sharaxay in doorkiisa Man United yahay mid weerarka
raacsan oo ka weerar badan midkiisii Madrid.
“Koox kastaa waxay leedahay qaab ay u ciyaarto oo u gaar ah, waa run in
halkan door weerar oo midkii hore ka weyn aan ku leeyahay” ayuu yidhi Casemiro.
“Qaab ciyaareedka halkani wuu ka duwan yahay, qaabka kubadda loosoo
dhisayo, tababaraha, horyaalka iyo kooxdu dhammaan sidii hore way ka duwan
yihiin, koox kasta qaab ciyaareedkeeda u gaarka ah ayay leedahay, waxa ugu
muhiimsani waa in degdeg loola qabsado”.
“Markale ayaan odhanayaa, macquul maaha inaad kaligaa wax samaysaa, tayo ayay leeyihiin xiddigaha kooxdaydu, waxa jooga Licha (Martinez) iyo Varane, ciyaartoy tayo sarre leh, Christian (Eriksen) oo aan mudo dheer ka garab ciyaarayay, ciyaartoy kale oo khaas ah Fredinho, ciyaartoy kale oo aad u wanaagsan oo waxyar halka hore ka ciyaara Bruno, heer caalami”.
Comments