CEEB WEYNAA!! Kabtan Banaanka Soo Dhigay Musuqa FIFA & Fadeexada Ballon d’Or 2013
by: Mohamed Caddan
Kabtankii hore ee xulka qaranka Equatorial Guinea ee Juvenal Edjogo ayaa
shaaca ka qaaday sida aysan markasta cadaalad u ahayn abaalmarinaha ay bixiso
hay’ada ugu sarreysa kubadda cagta ee FIFA.
Isniintii ayay markale FIFA bixisay abaalmarinta xiddiga sanadka
oo wakhtigan loo yaqaano FIFA The Best maadaama ay wargeyska France Football ku
kala baxeen Ballon d’Or waxayna siiyeen Lionel Messi.
Juvenal Edjogo oo ka hadlaya midii 2013 ee uu ku guuleystay
Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu isagu wakhtigaas ugu coddeeyay abaalmarinta
Didier Drogba iyo Andres Iniesta.
Juvenal ayaa sheegay inuu musuqa meesha ka jira ogaaday markii
la baahiyay nidaamkii codaynta ee uu magaciisa iyo codkiisa ku arkay in lagu
qoray Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
“Abaalmarinahani malaha wax qiimo ah. Waxa yar ee aan abaalmarinta
noocan ah ka odhan karo ayaa ah midii 2013, waxaan u coddeeyay saddexdayda
ciyaartoy waanan diray codkayga ugu dambayntiina markii la shaaciyay sidii la
isugu coddeeyay codkaygu wuu ka duwanaa midkii aan diray”
“Wuxuu odhanayay waxaan u codeeyay Ronaldo iyo Messi ma garanayo
midkii kale balse midkoodna uma coddayn taasi waa sababta aan u idhaahdo waxba
kama aaminsani abaalmarinahan”.
Waxa abaalmarintaas 2013 si weyn ugu
dooda ilaa haatan halyeeyga Bayern Munich ee Frank Ribery oo sanadkaas
dhammaan koobabkii waaweynaa ee uu u tartamayay ku guuleystay balse aan
la guddoonsiin.
Comments