Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa gaadhay guusheedii koowaad muddo
toddoba ciyaarood ah iyaga oo soo afjaray inkaartii goolal la’anta iyo guulo
la’aanta ahayd ee ay in muddo ah la daalaa-dhacayeen.
Gool madi ah oo uu u dhaliyey difaaca reer France ee Wesley Fofana ayaa
Chelsea siiyey guul ay aad ugu baahnaayeen oo ay ku xidhnayd shaqada tababare
Graham Potter, waxaanay sidaas kusoo afjareen lix ciyaarood oo guulo la’aan
ahaa, halka ay sidoo kalena u tahay guushii saddexaad ee 17kii ciyaarood ee ugu
dambeeyey ay gaadheen.
45 daqiiqadood oo niyad jab ahaa kaddib, Chelsea ayaa xaqiijisatay guul
ayaa heshay gool ka badbaadiyey qalbi-jabkii muddada ay kusoo jireen, waxaana
geesigooda noqday Fofana oo la kulmay kubbad uu soo dhigay Ben Chilwell.
Xiddiga reer Germany ee Kai Havertz ayaa u dhowaaday inuu hoggaanka u
dhiibo kooxdiisa Chelsea qaybtii hore isaga oo goolka la hortegay kubbad
difaacyahannada loo dhaafiyey hase yeeshee waxa ka badbaadiyey goolhye Meslier
oo ka leexiyey goolka.
Kooxda martida ahayd ee Leeds United ayaa heshay fursado aanay ka
faa’iidaysanin iyaga oo kubbadahoodu ku lumayeen marka ay xerada ganaaxa la
galaan sidoo kalena uu goolhaye Kepa taxadar badan ka samaynayey oo uu la
socday dhaqdhaqaaqa weeraryahannada Leeds United.
Daqiiqaddii 53aad ayay Chelsea u dabbaal-degtay gool ay muddo
raadinayeen oo uu Westley Fofana u saxeexay, kaddib markii uu madax ku qabtay
koorne uu soo qaday Chilwell.
Goolkan ayaa noqday midkii koowaad ee uu Fofana ka dhaliyo horyaalka
Ingiriiska ee Premier League, waxaana markiiba si degdeg ah usoo noolaatay
niyadda ciyaartoyda Chelsea ee sii dumaysay.
Graham Potter ayaa la hadlay ciyaartoydiisa isaga oo dhiirigelinaya
maadaama ay ciyaartan ku xidhnayd shaqadiisu, waxaana isaga oo u muuqday inuu
ku qanacsan yahay goolkaas uu xoojistay khadka dhexe.
Raheem Sterling iyo Joao Felix oo ay ciyaartu ku adkayd ayaa baxay
qaybtii labaad, waxaana soo galay Denis Zakaria iyo Gallagher oo abuuray
hab-difaac iyo maamulka kubadda oo kooxdoodu kusoo noolaatay.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay yeelatay 34 dhibcood, laakiin
waxay wali ku jiraan kaalinta tobnaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka
Premier League.
Leeds United ayaa iyaduna u dhaadhacday khadka cas iyadoo fadhida
kaalinta 17aad oo ay ku haysato 22 dhibcood.
Comments