DEG-DEG: Lionel Messi Oo Ammaankiisa La Ilaalinayo Kaddib Rag Hubaysan Oo Rasaas Oodda Kaga Qaaday Meherad Ay Leeyihiin & Digniinta Loo Diray

 by:Mohamed Caddan


Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ammaankiisa taxadar dheeraad ah laga samayn doonaa, kaddib markii rag hubaysan ay weerar ku qaadeen supermarket ay qoyskiisu ku leeyihiin magaalada Rosario, isla markaana nus-dersin xabbado ah ku fureen meheraddan.

Budhcadda ayaa waxa muuqaalkooda duubay kaamirooyinka ku xidhnaa supermarket-ka, waxaanay ahaayeen laba nin oo hubaysan oo watay mooto ama dhug-dhuglay.

Booliska ayaa ku raad-jooga budhcaddan, hase yeeshee waxa Lionel  Messi aragagax gelinaya qoraal ay ku qoreen derbiga meheradda oo ay ugu sheegeen xiddiga reer Argentina in la khaarajinayo.

Falkan oo ka dhacay magaalada ay deggan yihiin qoyska Lionel Messi ee Rosario ee waddanka Argentina, ayaa waxa meheradda supermarket-ka ah iska leh qoyska xaaska Lionel Messi ee Antonela Roccuzzo, waxaanay dhacdadu timid xilli habeennimo ah oo aanay cidi joogin goobta maadaama uu weerarku dhacay saqdii dhexe ee xalay.

Warbaahinta Argentina ayaa sheegtay in xabbado badan ay budhcaddani la dhaceen albaabka iyo daaqadaha supermarket-ka.

Qoraal ay ku qoreen darbiga meheradda ayay ku yidhaahdeen: “Messi, wanu ku sugaynaa. Javkin waxa uu ka ganacsadaa daroogada kumana ilaalin karo.”

Pablo Javkin waa duqa magaalada Rosario ee uu falku ka dhacay, isla markaana Lionel Messi iyo qoyskiisu ay deggan yihiin.

Telefishan maxalli ah ayaa ku warramay in farriintani u muuqato mid ay dirayaan budhcadda dalkaas oo isku dayaya inay lacago baad ah ka qaadaan xiddiga reer Argentian ee Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa waxa uu duleedka magaalada Rosario ku leeyahay dhisme ku fadhiya dhul weyn oo lagu magacaabo The Fortress, waxaanay la sheegay in gurigaas loo dhisay si cajiib ah oo ay ku yallaan garoomo, goobo qarsoodi ah oo uu naftiisa ku badbaadin karo haddii uu halis dareemo, shaneemo ad u weyn, goob lagu jimicsado iyo geerash qaadaya 15 baabuur.

Antonela oo ay is-guursadeen June 2017 ayay iyadana qoyskoodu deggan yihiin magaaladan oo ay ku leeyihiin hotel weyn oo lagu magacaabo City Centre Hotel iyo goob lagu ciyaaro khamaarka.

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?