“DOQONKA” – Naanaysta Bahdilka Ah Ee Ay Ciyaartoyda Manchester United Ugu Yeedhan Wout Weghorst
Lisandro Martinez ayaa qirtay, in ciyaartoyda Manchester United ay ku
kaftamaan, isla markaana ugu yeedhaan weeraryahanka Manchester United ee Wout
Weghorst naanays aflagaaddo ah oo ah ‘bobo’ oo uu hore ugu yeedhay Lionel Messi
Koobkii Adduunka ee Qatar.
Wout Weghorst oo ay Manchester United heshiis amaah ah kula soo
wareegtay bishii January, ayaa kooxdiisa ka dhex noqday mid qolka labbiska lagu
dacaayadeeyo, laakiin ma aha mid uu jeclaysanayo.
Laacibkan ayaa ciyaartii wareegga siddeedda koobka Adduunka ee
Netherlands iyo Argentina axay isku dhaceen Lionel Messi iyadoo garsooraha reer
Spain ee Antonio Mateu Lahoz uu bixiyey 15 kaadh oo digniin ah ciyaartaas.
Wout Weghorst oo beddel kusoo galay ayaa laba gool dhaliyey dhamaadkii
iyadoo ciyaarta lagu kala baxay rikoodheyaal ay guushu ku raacday Argentina.
Lionel Messi ayaa ay garoonka ku dhax murmeen ku-xigeenka tababare Louis
van Gaal oo ahaa Edgar Davids oo khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxaha
Juventus, Barcelona, Ajax iyo kuwo kale. Messi ayaa sidoo kale markii ay
murmeen Wout Weghorst waxa uu ciyaartoy kale oo kooxdiisa ah ku yidhi: “Maxaad
ka eegaysaa Bobo (doqonka)? Ku laabo halkaa.”
Ciyaartoyda Manchester United oo tixraacaya hadalka Lionel Messi ayaa
waxay iyaguna ugu yeedhaan Wout Weghorst naanaysta macnaheedu yahay (doqonka)
ee bobo.
Comments