FAJAC!! Dareenkii Yaabka Lahaa Ee Xiddigaha Arsenal Ka Qabeen William Saliba Markii Uu Kooxda Yimid Oo Banaanka La Keenay

 by:Mohamed Caddan


Daafaca dhexe ee Arsenal ee William Saliba ayaa kamida kuwa ugu wanaagsan Premier League xilli ciyaareedkan isagoo ka caawiyay kooxdiisa inay hoggaanka horyaalka hayso.

Saliba ayaa kusoo bilawday dhammaan 24-ka kulan ee ay horyaalka ka ciyaartay Arsenal isagoo lamaane wanaagsan la samaystay Gabriel Magalhaes.

Si kastaba, mustaqbalka wanaagsan ee Saliba ma arkayn qofkasta oo kooxda joogay, il-wareedka ESPN ayaa sheegaya in qaar kamida xiddigaha kooxdu ay Saliba ku sifeeyeen xiddig “Darajada Horyaalka Heerka Saddexaad Ah” markii ay ku arkeen kulamadii diyaar garawga 2020-21.

Warbixinta ayaa sheegaysa inay aragtidaas qabeen xiddigo badan oo kooxda ahi balse uusan haatan midkoodna kooxda joogin.

Ciyaartoydaas ayaa la sheegay inay qabeen dareen ah in William uusan ku fiicnayn boos qaadashada isla markaana uusan taakalo badan samayn karin.

Saliba ayaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkaas kusoo qaatay kooxda Nice kahor inta uusan hal sano oo uu horumar weyn ku sameeyay ku qaadan Marseille.

Intaas kaddib 21 sano jirkaas ayaa sii wanaagsanaanayay kaliya isagoo muujiyay degenaansho marka uu kubadda haysto ah, akhrintiisa kulanka oo fiican iyo awood jidh ahaaneed oo wanaagsan.




Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?