Gary Neville Oo Ballanqaad Cajiib Ah Jamaahiirta Arsenal U Sameeyay Haddii Ay Horyaalka Ku Guuleystaan

 


Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa jamaahiirta Arsenal u sameeyay ballanqaad weyn haddii kooxdoodu horyaalka Premier League ku guuleysato bisha May.

Arsenal ayaa haatan shan dhibcood ka sarreysa kooxda ugu soo dhaw ee Manchester City iyagoo badi xilli ciyaareedka hoggaanka hayay kuna hammiyaya horyaalkoodii ugu horreeyay ee tan iyo 2004.

Gary Neville ayaa marar badan Arsenal qaab aysan jeclaysan taageerayaasha kooxdaasi uga hadlay gudaha xilli ciyaareedkan isagoo sheegay inuusan qabin aragtida ah inay horyaalka ku guuleysan karaan.

Dhawaan ayay ahayd markii Neville sheegay inuusan kalsooni sidii hore u badan ku qabin in Man City horyaalka ku guuleysan karto balse uu wali ku adkaysanayo in xiddigaha Pep Guardiola ka sarre mari karaan Gunners.

Haatan mid kamida taageerayaasha Arsenal ee barta Twitter-ka ayaa Neville loolan ula tagay isaga oo u sheegay inuu doonayo inuu Emirates timaha iskaga dhex xiiro maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka haddii Gunners horyaalka halkaas ku qaadaan.

Neville ayaan aqbalin shuruudaas balse soo jeediyay inuu garanka Arsenal oo ay ku qorantahay “Champions” ku dhex xidhan doono Emirates Stadium haddii kooxdu horyaalka qaado.

“Waxaan xidhan doonaa garan Arsenal ah oo odhanaya Champions adiga dartaa saaxiibkayow balse haddii aad ku guuldarraysataan waa inaad halkan timaado ood dhahdo ‘Waan ka xumahay Gary” ayuu yidhi Neville.

Taageerayaasha Arsenal ayaa ku farxi doona inay Neville ku arkaan maaliyada kooxdooda uu ku ciqaabaan kaddib mudada dheer ee uu soo dhaliilayay.

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?