HORDHAC: Arsenal v Bournemouth – Gunners Oo Faa’idada Hoggaanka Ilaashanaya, Shaxaha & Xogaha Kulanka

 


Kooxda kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco ka cararaysa ee Bournemouth ayaa tagaysa magaalada London oo ay ku booqanayso hoggaamiyayaasha Arsenal.

Gunners oo kulankoodii baaqiga ahaa ciyaaray Arbacadii ayaa shan dhibcood hoggaanka kaga haya Man City, Arsenal ayaa kulankan ciyaari doonta iyadoo og natiijada Man City galabta ka hesho Newcastle United.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Arsenal waxa la filayaa in Thomas Partey khadka dhexe kusoo laabto isagoo bedelaya Jorginho oo xanuusanaya sida uu Arteta xaqiijiyay.

Sidoo kale wuxuu shaki ku jiraa taam ahaanshaha weeraryahan Eddie Nketiah balse waxa lagu waday inuu marka horeba keydka kusoo bilawdo isagoo ka dambayn doona Leandro Trossard oo wacdarro dhigay kulamadii ugu dambeeyay.

Gabriel Jesus ayaa ku dhaw inuu soo laabto halka Mohamed Elneny dhaawac mudo dheer ah qabo. Emile Smith Rowe ayaa isagu keydka kasoo muuqday kulankii Everton.

Bournemouth ayay xiddigo badan oo muhiim ahi ka maqan yihiin waxaana dhaawacyadii hore ku biiray Marcus Tavernier, Matias Vina iyo Junior Stanislas halka ay horeba u maqnaayeen Illia Zabarnyi iyo David Brooks. Waxa uu iyagana shaki ku jiraa Lloyd Kelly iyo Lewis Cook.

Shaxaha Macquulka Ah

Arsenal (4-3-3): Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel Magalhaes, Zinchenko; Odegaard, Partey, Xhaka; Saka, Trossard, Martinelli

Bournemouth (5-4-1): Neto; Smith, Mepham, Stephens, Senesi, Zemura; Ouattara, Lerma, Billing, Traore; Solanke

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Chris Kavanagh

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?