HORDHAC: Chelsea v Leeds – Mustaqbalka Potter Oo Miiska Saaran, Blues Oo Guul U Ooman, Shaxaha & Xogaha Kulanka

 


Kooxda uu hormoodka u yahay tababare Graham Potter ee Chelsea ayaa caawa la ballansan dhigeeda Leeds United xilli shaqada macalinka English-ka ahi halis ku jirto.

Guuldarro ama barbardhac ay la kulanto Chelsea oo sanadkan oo dhan hal guul haysata ayaa cidhifka u saaraysa Potter inuu lumiyo shaqadiisa.

Wararka Labada Kooxood

Chelsea waxa ka maqnaan doona ruugcaddaageeda daafaca dhexe ee Thiago Silva oo dhaawac jilibka ah mudo lix toddobaad ah ku seegaya garoomada.

Sidoo kale Blues waxaa markale aan taam u ahayn Edouard Mendy, Cesar Azpilicueta, N’Golo Kante, Christian Pulisic iyo Armando Broja.

Sidoo kale Mason Mount iyo Reece James ayuu shaki ku jiraa taam ahaanshahooda kulankan taas oo madax xanuunka kusii kordhinaysa tababare Potter.

Havertz ayaa lagu wadaa inuu markale weerarka Blues hoggaamiyo waxaana ka dambayn doona Joao Felix halka ay garbaha kusoo bilaabanayaan Madueke iyo Sterling taas oo ka dhigan in Mudryk iyo Ziyech keydka soo fadhiisan karaan.

Fofana ayaa daafaca midig dheeli doona haddii uu James maqnaado taas oo la macno ah in Badiashile iyo Koulibaly daafaca dhexe kusoo wada bilaaban karaan.

Dhinaca Leeds tababaraha cusub ee Javi Garcia ayaa ka werwersan taam ahaanshaha Liam Cooper, Pascal Struijk iyo Luis Sinisterra oo xaaladooda kulanka kahor la qiimayn doono.

Shaxaha Macquulka Ah

Chelsea (4-2-3-1): Kepa; James, Wesley Fofana, Badiashile, Chilwell; Fernandez, Zakaria; Madueke, Felix, Sterling; Havertz

Leeds United (4-2-3-1): Meslier; Ayling, Koch, Wober, Firpo; Adams, McKennie; Harrison, Aaronson, Gnonto; Bamford

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Michael Oliver

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?