Hordhac: Liverpool vs Man United – Murqo Weyntii Ingariiska Oo Anfield Ku Balansan, Xogta Kulanka Iyo Shaxaha Labada Kooxood
Labada kooxood ee ugu guulaha badan kubada cagta Ingariiska ee Liverpool
iyo Manchester United ayaa caawa ku balansan garoonka Anfield, waana kulan si
weyn loo wada sugayo.
Liverpool wuxuu hamigoodu yahay inay ka mid noqdaan afarta sarre ee u
soo baxeysa Champions League halka Manchester United ay lugta kula jirto
tartanka horyaalka iyadoo ay ka horeeyaan Man City iyo Arsenal.
Labada kooxood ayaa kulmaya xilli ay guulo soo gaareen kulankoodii ugu
danbeeyay. Liverpool waxay 2-0 ku soo garaacday Wolves halka Man United ay guul
soo laabasho 3-1 ka gaartay West Ham kulankii FA Cup.
Kulanka: Liverpool vs Man United
Garoonka: Anfield
Garsoore: Andrew Madley
Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika
MAXAA KA CUSUB?
Liverpool ma qabto wax dhaawacyo cusub ah oo ay ka walwalayaan
ka hor kulanka adag ee ay caawa la ciyaarayaan kooxda ay xafiiltamaan ee
Manchester United.
Arthur Melo, Thiago, Luis Diaz iyo Joe Gomez ayaa weli dhaawacyo ku
maqan.
Daafaca Manchester United Luke Shaw ayaa la qiimeyn doonaa ka dib markii
uu dhaawac ku seegay kulankii FA Cup ee ay ka badiyeen West Ham United.
Jadon Sancho ayaan isaguna ciyaarin kulankii bartamaha isbuuca sababo la
xiriira xumad heysan halka Donny van de Beek, Christian Eriksen iyo Anthony
Martial ayaa iyaguna weli dhaawacyo ku maqan.
SHAXDA
MACQUULKA AH:
Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson;
Henderson, Fabinho, Bajcetic; Salah, Gakpo, Nunez
Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Shaw;
Casemiro, Fred; Antony, Fernandes, Rashford; Weghorst.
MA
OGTAHAY?
Liverpool lagama badinin lixdii
kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay Anfield kula ciyaaren Man United, seddex
way badiyeen, seddexna barbaro ayay galeen. Markii ugu danbeysay ee United ay
Anfield ku badiso kulan horyaalka ah waxay aheyd bishii Janaayo 2016kii
markaasoo ay 1-0 ku badiyeen.
Rikoodhka Man United ay sideed jeer minan iyo marti ay garaacday
Liverpool horyaalka Premier League waa midka ugu badan ee koox kasta oo ay ka
horyimaadeen. Waxay caawa ka badin karaan minan iyo marti markii ugu horeysay
tan iyo xilli ciyaareedkii 2015-16.
United ayaa dhalisay kaliya hal gool todobadii kulan ee ugu danbeysay ee
ay booqdeen Anfield tartamada oo dhan. Waxay ku guuldareysan karaan inay
shabaqa ku soo taabtaan garoonkaan markii afaraad oo isku xiga waxayna noqon
doontaa markii ugu horeysay ee ay sidaas ku dhacdo tan iyo 1992kii.
United ayaa dhalisay kaliya hal gool todobadii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Anfield tartamada oo dhan. Waxay ku guuldareysan karaan inay shabaqa ku soo taabtaan garoonkaan markii afaraad oo isku xiga waxayna noqon doontaa markii ugu horeysay ee ay sidaas ku dhacdo tan iyo 1992kii.
Comments