HORDHAC: Man City v Newcastle – Magpies Oo Rajada Sky Blues Ee Horyaalka Dili Kara, Shaxaha & Xogaha Kulanka
Manchester City ayaa galabta gegida Etihad Stadium kula ballansan kooxda
Newcastke United kulan saamayn kara tartanka horyaalka Premier League loogu
jiro.
City ayaa haatan shan dhibcood ka dambaysa hoggaamiyayaasha Arsenal,
dhibco kale oo ay lumiyaan ayaa quus ka dhigaya rajadooda difaacashada Premier
League.
Wararka
Labada Kooxood
Labada daafac dhexe ee John Stones iyo
Aymeric Laporte oo maqnaa kulamadii ugu dambeeyay ayaa soo laaban kara maanta
taas oo ka dhigan in Pep Guardiola heli karo saf buuxa.
Walker, Dias iyo Ake ayaa la filayaa inay markale daafaca kusoo wada
bilawdaan waxaana doorka labada No.6 dheeli kara Gundogan iyo Rodri.
Phil Foden oo qaab ciyaareed wanaagsan ku jiray kulamadii ugu dambeeyay
ayaa garabka bidix kala bixi kara Jack Grealish isagoo weerarka la
dhammaystiraya Haaland iyo Mahrez.
Newcastle waxa taam buuxa u ah Bruno Guimaraes oo Finalkii Carabao Cup
dhaawac fududi cagta ka gaadhay halka sidoo kale goolhaye Nick Pope oo casaan
ku maqnaa kulankaasi uu diyaar yahay.
Shaxaha
Macquulka Ah
Man City (3-2-4-1): Ederson; Walker, Dias, Ake;
Gundogan, Rodri; Mahrez, Silva, De Bruyne, Foden; Haaland
Newcastle
United (4-3-3): Pope; Trippier, Schar, Botman,
Burn; Longstaff, Guimaraes, Joelinton; Gordon, Isak, Saint-Maximin
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 3:30 galabnimo xilliga geeska
Africa
Garsoore: Simon Hooper
Garoonka: Etihad Stadium
Comments