Khabiir Saadaaliyey Tirada Goolasha Ay Kala Dhalin Doonaan Liverpool & Manchester United – Midkee Ayuu Guusha Siiyey?
Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa il gaar ah lagu
hayn doonaa kulanka adag ee Liverpool iyo Manchester United ee Axadda oo labada
kooxoodba raadin doonaan guul si weyn uga caawisa hammigooda ah inay sare u
dallacaan oo ay kooxaha ka horreeya ku dhowaadaan.
Liverpool oo kaalinta lixaad ku jirta waxa uu hunguri kaga jiraa inay
soo gasho booska shanaad haddii ay garaacdo Manchester United, sidoo kalena ay
Man City ka badiso Newcastle United. Sidaas oo kale, Manchester United ayaa
waxay ku dhowaan doontaa Man City oo labaad fadhida haddii ay ka adkaato
Liverpool.
Ciyaartoodii hore ee labadan kooxood, waxa guul weyn gaadhay Manchester
United oo 2-1 ku karbaashtay Liverpool oo ku booqatay Old Trafford, hase
yeeshee Liverpool ayaa labadii ciyaarood ee xilli ciyaareedkii hore ee Premier
League si xun ugu karbaashtay Anfield iyo Old Trafford.
Stan Collymore oo weerarka uga ciyaari jiray Liverpool ayaa waxa uu
fikirkiisa ka dhiibtay natiijada ay ku dhamaan doonto ciyaarta Manchester
United iyo Liverpool ee Axadda, waxaana uu istaagay meel dhexe oo uu dhibcaha u
qaybiyey nadigiisa.
Maqaal uu ku qoray wargeyska CaughtOffside, ayuu ku yidhi: “Dabcan
Liverpool waxay Axadda garoonka Anfield ku martigelin doontaa Manchester
United. Anigu kulamo badan ayaan soo ciyaaray oo aan United ka hor tegay, kuwo
kle oo badanna waan daawaday, markaa khabiir ayaan ku ahay isku-dhacooda. Anigu
odhan maayo ma noqonayso ciyaar wanagsan, laakiin ma filayo in goolal badan la
iska dhalin doono.
“Mudnaan badan ayay leedahay ciyaartani. Man United kuma aanay
guuleysanin Anfield lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay tagtay, Liverpool
na waxa ka go’an in aanay Axada ku guul-darraysanin garoonkeeda.
“Waan hubaa in labada kooxoodba ay fursado heli doonaan laakiin waxa aan
filayaa in Erik ten Hag iyo Jurgen Klopp ay samayn doonaan taxadr badan gaar
ahaan maarka ciyaartoydu tagaan qaybta saddexaad ee garoonka ee kooxda kale.
“Waan qaldanaan karaa, laakiin saadaashaydu waa in ay natiijadu noqon
doonto barbarro aad loogu dagaallamo. Waxay ku kala bixi doonaan 1-1. Waxay
ilaa tahay in labada kooxoodba ku faraxsanaanayaan natiijadaas.”
Comments