Kooxaha Premier League Ee Mushaharka Ugu Badan Bixiya Iyo Isbeddelka Weyn Ee Ku Dhacay Manchester United

by: Mohamed Caddan


Manchester United ayaa noqotay kooxda bixisa mushaharka ugu badan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, iyadoo korodh badan uu ku yimid xagaagii tegay inkasta oo ay iska  direen Cristiano Ronaldo oo ay kansaleen qandaraskiisa.

Xogta mushaharka kooxaha waaweyn ee horyaalka Premier League oo lasoo bandhigay ayaa waxa  lama filaan noqotay, in Liverpool ay ka sare martay Manchester City oo ay kaalinta labaad kaga jirto dhinaca mushahar bixinta horyaalka Premier League.

Xilli ciyaareedkii hore ee 2021/22 ayuu mushaharka ciyaartoyda Manchester United si aad ah cirka iskugu shareeray isga oo gaadhay £384 milyan oo Gini, waxaana kaalinta ugu weyn ka ciyaaray korodhka mushaharka xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo ay siin jireen £480,000 Gini toddobaadkii.

Laakiin markii uu bishii December ka tegay kooxda, waxa uu ciyartoyga kaalinta koowaad ee mushaharka dib ugu soo laabtay David de Gea oo toddobaadkii u xaadira £375,000 Gini.

Liverpool ayaa si lama filaan ah uu mushaharkeedu sare ugu kacay 75% marka  la eego mushaharkooda hadda iyo midkii sannadkii 2017, waana sababta keentay in Reds ay maalmo ka hor shaaciso in ay kaliya faa’iido samaysay xilli ciyaareedkii tegay £7.5 milyan oo Gini oo waliba canshuurtu ku jirto.

Heshiisyo cusub oo ay siiyeen ciyaartoyda ay ka mi dyihiin Andy Robertson, Fabinho, Jordan Henderson, Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold ayaa door ka qatay korodhka, halka Mohamed Salah na uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo mushaharkiisa ka dhigaya £350,000 usbuucii.

Marka la isbarbar-dhigo mushaharka Manchester United iyo Liverpool, waxa £18 milyan oo Gini hooseeya midka ay bixiso Liverpool halka sannadkii 2017 farqigaasi ahaa £56 milyan oo Gini.

Manchester City ayaa ah kooxda saddexaad ee ugu mushahar bixinta badan, waxaanay xilli ciyaareedkii tegay bixisay £354 milyan oo Gini, iyadoo uu korodhsiimo badan helay Kevin de Bruyne oo toddobaadkii u qaadira £400,000 Gini, waana ciyaartoyga kooxdiisa iyo horyaalka Premier League ugu mushaharka badan.

Kalinta saddexaadayay Chelsea u dhacday iyadoo xiddigeeda ugu mushaharka badan uu yahay Kai Havertz oo usbuucii u xaadira £310,000 Gini, laakiin wali Blues lama soo deynin mushaharka xilli ciyaareedkii tegay iyo midka hadda, waxaana la la filayaa inuu dhaafi doono Manchester United ama ku dhowaan doono.

Halkan kaga bogo kooxaha ugu mushahar bixinta badan horyaalka Premier League

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?