Liiska Gaaban Ee Xiddigaha Ay Real Madrid La Saxeexanayso Oo La Helay & Xiddiga Bayern Munich Ee Ku Jira
by: Mohamed Caddan
Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Perez ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaariyey
qorshihii uu dib ugu dhisi lahaa kooxdiisa xagaga, isaga oo xushay liiska
gaaban ee xiddigaha ay qasnaddooda u jabin doonaan.
Real Madrid ayaa la rumaysan yahay in uu xagaagani u noqon doono mid
xaasaasi ah oo ay dib isku-xoojin samayn doonaan, maadaama dhawr ka mid
ah xiddigaha muhiimka ah ay ka fiirsanayaan inay ka fadhiistaan kubadda cagta,
ama xilli ciyaareedka uu soo aaddan uu noqdo midkoodii ugu dambeeyey.
Toni Kroos, Luka Modric iyo Karim Benzema oo dhamaantood maraya dhamaadka cimrigooda ciyaareed oo aan la iskusii hallayn karayn waqti dheer, ayaa waxay ku kalliftay Florentino Perez in uu suuqa u galo sidii uu beddelkooda u keeni lahaa Real Madri.
Saddexda ciyaartoy ee liiska gaaban ee ay Real Madrid calaamadsatay ayaa waxay yihiin laba khad dhexe ah iyo difaac midig, waxaanay laba ka mid ahi u ciyaaraan Bayern Munich.
Perez ayaa waxay Ancelotti isla qaateen inay u baahan yihiin difaac
midig, maadaama uu dhaawacyo la daalaa-dhacayo Daniel Carval, waxaanay isku
dayi doonaan difaac midig ee Manchester City ee Joao Cancelo inkasta oo uu
amaah ugu maqan yahay Bayern Munich oo ay haysato dookh ay €70 milyan oo Euro
si rasmiah ugula wareegi karto.
Los Blancos ayaa sidoo kale doonaysa xiddiga da’da yar ee reer Germany
ee Jmal Musiala oo khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich oo uu kulliyaddeeda
kusoo barbaray markii uu ka baxay akaademiyadda Chelsea. Inkasta oo Munich ay
adag tahay in ay ogolaato inuu tago Musiala, haddana Los Blancos ayaa doonaysa
inay khadka dhexe ka wada ciyaarsiiso xiddiga Borussia Dortmund ee Jude
Bellingham.
Hore waxay Real Madrid u dooratay weeraryahankii u beddeli lahaa Karim Benzema, waana Vlahovic oo u ciyaara Juventus
Comments