Martin Odegaard Oo Qish Ka Bixiyey Waqtiga Uu Gabriel Jesus Kusoo Laabanayo Garoomada

 by:Mohamed Caddan


Kabtanka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Martin Odegaard ayaa soo afjaray toddoba ciyaarood oo goolal la’aan uu ahaa, waxana uu Arbacadii xalay shabaqa soo taabtay kulankii ay kooxdiisu guusha weyn ee 4-0 ah kasoo gaadhay.

Waxay u ahayd Arsenal guushii saddexaad oo xidhiidh ah iyaga oo shan dhibcood ka sarreeya Man City oo hoggaanka haysa, xilli ay 13 ciyaarood ka  hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ka hor goolka  Odegaard, Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli ayaa shabaqa soo taabtay intii aan loo bixin waqtiga nasashada halka Leandro Trossard uu sii wato caawinta iyo inuu ku lug yeesho goolasha.

Kabtan Martin Odegaard ayaa markii uu dhaliyey goolka ciyaartii Everton ee xalay, waxa uu taageereyaasha qish ka siiyey soo laabashada Gabriel Jesus, kaddib markii uu sameeyey dabbaal-deggiisii wicitaanka telefoonka.

Xiddiga Brazil ee Jesus oo ku maqna dhaawac tan iyo Koobkii Adduunka ayaa waxa uu tababarka kooxdiisa kusoo laabtay toddobaadkan, isaga oo qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshadana ku sheegay in uu ‘tallaabo-tallaabo’ soo qaadayo.

Hase yeeshee qaabka dabbaal-degga ee Martin Odegaard ayay taageereyaashu ku tilmaameen inuu muujinayo soo laabashada Jesus.

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?