Mason Moun Iyo Reece James Oo Ka Dhaawacmay Chelsea Ka Hor Kulamada Leeds & Borussia Dortmund Ee Lagu Xidhay Shaqada Graham Potter
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa waayi doonta adeegga ciyaareed ee
labada xiddig ee Reece James iyo Mason Mount kulanka adag ee Leeds United ee
Sabtida kaas oo lagu xidhay mustaqbalka tababare Graham Potter oo hore loogu
sheegay in la eryi doono haddii uu guul ka keeni waayo kulankan iyo midka xiga
ee Borussia Dortmund.
Chelsea oo 11kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada kaliya hal
mar guuleysatay ayaa waxay waajihi doontaa kooxda tababare Javi Gracia, ka hor
inta aanay Salaasada qaabbilin Borussia Dortmund kulanka go’aaminaya kooxda u
gudbaysa wareegga siddeedda Champions League.
Tababare Potter oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay, in Mason Mount
uu dhaawacan yahay oo aanu qayb ka noqon doonin kulanka Leeds United, sidoo
kalena uu shaki ku jiro taam ahaanshaha Reece James oo isaguna dhaawac ah.
“Mason waxa uu dhibaato ka dareemayaa caloosha iyo lafaha, waxana uu
seegi doonaa ciyaarta berri, mana garanayo muddada uu maqnaan doono, laakiin
berri waqti hore ayay ku tahay.” Ayuu yidhi Graham Potter oo sii raaciyey:
“Reece muruqa ayaa uu xanuun ka dareemayaa, xaaladdiisana waanu qiimayn doonaa
laakiin shaki ayaa ku jira inuu ciyaari doono.”
Ma aha markii ugu horreysay ee uu Reece James dhaawac ku maqnaado xilli
ciyaareedkan, waxaase Koobkii Adduunka uu ku seegay dhaawac uu muddo u jiifay,
iyadoo mushkiladiisu kasii dartay markii ay jilibka wax kasoo gaadheen
ciyaartiisii koowaad ee uu dib ugu soo laabtay garoomada.
Cesar Azpilicue4ta ayaan isagana wali loo ogolaanin inuu ciyaaaro kaddib
dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii ay Southampton 1-0 kaga badisay oo uu ka jabay
feedha.
Waxa kale oo Blues ka maqan Thiago Silva oo dhaawac jilibka ah oo kasoo gaadhay ciyaartii Tottenham ee Axaddii hore u jiifaya lix usbuuc, balse warka wanaagsan ayaa waxa uu yahay inuu soo laabtay N’Golo Kante oo tan iyo bishii August dhaawac u jiifay.
Comments