Paul Merson Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Horyaalka Premier League Kaddib Guushii Cajiibka Ahayd Ee Arsenal

 


Khabiirka kubadda cagta ee Paul Merson ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guushii soo laabashada ahayd ee ay Arsenal ka gaadhay Bournemouth oo laba gool kala hormartay.

Arsenal ayaa dib usoo ceshatay farqiga shanta dhibcood ee ay ka horreyso Manchester City markii ay guul 3-2 ah Emirates Stadium kaga gadhay Bournemouth oo mar hoggaanka ku haysay 2-0, iyadoo Philip Billing uu gool degdeg ahaa ka  dhaliyey ciyaarta oo socota 10 ilbidhiqsi oo kaliya, kaas oo noqday goolkii labaad ee ugu degdegga badnaa taariikhda horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa cadaadis soo saartay Gunners waqti hore oo maanta ah markii ay 2-0 kusoo garaaceen Newcastle United, laakiin Arsenal ayaa guul ugu jawaabtay oo ilaashatay farqigeeda shanta dhibcood iyadoo dhamaadka xilli ciyaareedka ay ka hadhsan yihiin 12 ciyaarood.

Paul Merson oo taageere eyn u ah Arsenal oo ka hadlayay Sky Sports ayaa saadaaliyey horyaalka Premier League markii ay soo dhamaatay ciyaartii Arsenal iyo Bournemouth, axaana uu yidhi: “Waxay ila tahay in Arsenal ay ku guuleysanayaan horyaalka Premier League. Waa dhab iyaga ayaa ku guuleysanaya.

“Kaliya waxay sii wadanayaan inay hore u socdaan, mana garanayaan waqtiga la garaacayo. Hadda waa afar guulood oo xidhiidh ah.

“Waxay sidoo kale ka daba yimaaddeen Aston Villa. Waxay ila tahay in ay wax cajiib ah sameeyeen saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay guuleysteen, iimana muuqato sabab aanay ugu guuleysanayn horyaalka.”

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?