Paul Merson Oo SAADAALIYAY Premier League Toddobaadkan & Wuxuu Ka Yidhi Liverpool v Man United
by:mohamed caddan
Khabiirka kubadda cagta England ee Paul Merson ayaa sidii joogtada ahayd
u sameeyay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League oo
usbuucii 26-aad la galayo.
Aan ku bilawnee Man City ayaa Etihad Stadium kula ballansan kooxda
Newcastle United oo toddobaadyadan ugu dambeeyay xaalad adag ku jirta, Merson
ayaa qaba in Pep Guardiola guul gaadhi doono.
Merson ayaa sidoo kale Chelsea u rajeeyay guul ay ugu dambayn gaadho
kulanka ay Stamford Bridge ku qaabilayso Leeds United.
Si lamid ah kooxahaas hore, Merson wuxuu markale guul fudud siiyay
hoggaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal oo Bournemouth kusoo dhawayn doona
Emirates Stadium.
Paul ayaa qaba in Tottenham ay barbardhac su’aal galiya sii
haysashadeeda booska afraad kala kulmi doonto Wolves oo ay booqanayso.
Kulanka ugu weyn England ee Liverpool v Man United oo Anfield ka
qabsoomaya Axada ayuu Merson qabaa in Manchester oo wakhti fiican ku jirtaa
guul dahabi ah kusoo gaadhi doonto halkaas.
Saadaasha
Merson Oo Dhammaystiran
Man City 1-0 Newcastle
Chelsea 2-0 Leeds
Arsenal 3-0 Bournemouth
Aston Villa 2-0 Crystal Palace
Brighton 2-0 West Ham
Wolves 1-1 Tottenham
Southampton 2-1 Leicester
Nottingham 2-0 Everton
Liverpool 1-2 Man United
Brentford 1-1 Fulham
Comments